Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Generaal Ismaaciil Saxardiid” Waxaan go’aansanay inaan iska dul-qaadno cadowga argagixisada,”.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
4 years ago
in Wararka
0
Generaal Ismaaciil Saxardiid” Waxaan go’aansanay inaan iska dul-qaadno cadowga argagixisada,”.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa isku diyaarinaya in ay qaadeen howlgal argagixisada Al-shabaab looga xoreynayo deegaanada maamulkaas, kuwaas oo ay muddo badan shacabka ku dhibaateyn jireen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo dhowaan magacaabay guddiga hoggaaminta iyo diyaarinta qorshaha howlgalka mideysan ee la dagaalanka argagixisada ayaa hadda bilaabay in ay kormeeraan ciidanka ku sugan furimaha hore ee dalkaa si ay u dhiiri-geliyaan uguna booriyaan in ay u diyaaargarowbaan howlgal saf-balaaran oo lagu qaado nabad-diidka.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Gen. Ismaaciil Saxardiid oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka daraawiishta Jubbaland iyo taliyaha Booliska maamulkaas Generaal Maxamed Sheikh Cabdi Xujaale ayaa sheegay in ay qayb ka noqonayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-shabaab ee ka socda gobollada dalka, kaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada iyo dadka deegaanka.

Sidoo kale, Gen. Ismaaciil Saxardiid, ayaa ka hadlay qorshaha diyaarinta howlgalka ka dhanka ah argagixisada ee socda iyo go’aanka ku aadan in la iska dul qaado argagixisada.

“ Hadda wixii ka dambeeyo dhufeyskii aan ku jirnay waa ka baxeynaa, kuma sii jiri dooni, waa ogtihiin waxa dalka dhammaatiis ka socda, shacabka Soomaaliyeed waxay go’aansadeen in ay cadowga iska dulqaadaan,” ayuu yiri Generaal Saxardiid.

Wuxuu sheegay in wada shaqeynta dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland wanaagsan tahay, isagoo dhinaca kale, soo dhoweeyay howlgalada guud ahaan ka socda gobolada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo shir-guddoomiyay kulan ay isugu yimaadeen laamaha amniga ayaa lagu go’aamiyay in la qaado howlgal lagu xoreynta deegaanada ka maqan gacanta maamulka.

Previous Post

Dabageed” Geeri ayaa ka xignaa inaan yeelno damaca argagixisada,”.

Next Post

Guddoomiyaha Golaha shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Next Post
Guddoomiyaha Golaha shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Guddoomiyaha Golaha shacabka Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Dowladda Ingiriiska

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In