Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gobolka Banaadir oo Jardiinka KM4 dib ugu soo celiyey Dan Guud +Sawirro

caqiil by caqiil
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa caawa fuliyey qorshaha dib-u- soo celinta dhulka Danta Guud oo Jardiinka Nambar Afar la banneeyey oo dhismihii laga burburiyey si bilicdii Jardiinka loo soo celiyo.

Guddoomiyaha ayaa shacabka uga mahadceliyey dhiirigelinta iyo soo dhoweynta siyaasada soo celinta goobaha danta guud ee caasimada, isla markaasna sheegay in la sii wadi doona qorshahan oo waxtar weyn u leh bilicda, dalxiiska iyo isu socodka bulshada Caasimadda.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Muddo ayaan u qabannay dadka sida gaarka ah u isticmaalayey dhulka danta guud, muddaas oo hadda dhammaatay kadib, waxaan bilownay qorshihii dib loogu soo celin lahaa goobahaas, gaar ahaan jardiinooyinkii oo noqon doona kuwo ay ku nastaan bulshadu.”

Guddoomye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa tilmaamay muhiimadda uu u leeyahay caasimadda qorshaha dib u soo celinta Jardiinooyinka bulshada iyo sida ay uga go’an tahay Maamulka Gobolka Banaadir in dib loo soo celiyo dhulka sida gaarka ah loo isticmaalayo, si loogu adeego shacabka iyo Danta guud.

Qorshaha dib u soo celinta dhulka Danta Guud ayaa caawa ka bilowday Jardiinka nambar Afar oo mudadii la soo dhaafay ay ka dhisnaayeen dhismeyaal ganacsi oo gaar loo leeyahay, kuwaasoo laga banneeyey goobta, si loogu hirgeliyo bulshada Caasimadda goob ay ku nastaan.

Guddoomiye Yarisow oo kormeeray goobta la banneeyey ayaa ku ammaanay shaqaalaha Dawladda Hoose, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maamulka Degmada Waaberi habsami u-socodka ay u fuliyeen shaqooyinka dib-u-soo celinta Jardiinada Lanbar Afar ee bartamaha caasimada Muqdisho.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo shir wadatashi ah isugu yeeray Golaha Amniga Qaranka

Next Post

Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah

Next Post
Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah

Masar waxaa ay xukuntay in ka badan 700 oo Ikhwaanul Muslimiin ah

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In