Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa si adag u taageeray xallinta khilaafka si wax ku ool ahna ugu baaqay Maraykanka in ay dib uga noqdaan aqoonsiga Jeruslem ugu aqoonsaday caasimadda Israel.
128-Dowladood ayaa ka hor yimid Go’aankii Trump ee Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel, iyada oo 35 ka aamuseen halka sagaal kale ay taageereen Go’aanka Trump ee ahaa in Qudus noqoto caasimadda Israel.
Madaxweynaha Mareynkanka ayaa ku goodiyay inuu deeqaha uu siiyo ka jaranayo dalalka ka hor yimaada Go’aankiisa.
- 9,dalka ee taageeray in Qudus noqoto caasimadda Israel waxaa ka mid ah Mareynkanka,Israel, Guatemala, Honduras, Jaziirad Marshall , Micronesia, Nauru, Palau iyo Togo.
- Wadamada kale ee ka hor yimid go’aanka Trump waxaa ka mid ah Xubnaha joogtada ah ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay, sida China, France, Russia iyo UK iyo wadamo kale oo kale oo dunida Muslimka oo xulufo la ah Mareynkanka
Ra’iisal wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa balan qaaday inuu qaadacayo Natiijada wuxuuna ugu yeeray Golaha amaanka “Guri beeneed”
Madaxweynaha dalka Turkiga Racep Dayip Erdogan ayaa horay u sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in magaalada Barakeysan ee Qudus loo aqoonsado caasimadda Israel,taa badalkeedana wuxuu shir ay hogaamiyaasha Dunida Muslimka ay ku yeesheen magaalada Istanbul ay Qudus si rasmi ah ugu dhawaaqeen iney tahay caasimadda Falastiin.