Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
3 months ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) oo si wadajir ah u diiday faragelinta Israel ee midnimada Soomaaliya.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ayaa Isniintii si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil ee maamulka Somaliland, kaddib markii 14 ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha golahaasi ay si cad u cambaareeyeen tallaabadaas.

Intii uu socday kulanka degdegga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka digtay in aqoonsigaasi uu gogol-xaar u noqon karo qorshe halis ah oo lagu doonayo in si qasab ah Falastiiniyiinta looga raro Qaza ,lana geeyo Geeska Afrika.

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

 

Kalfadhiga degdegga ah oo loo qabtay in lagu falanqeeyo xiisadda diblomaasiyadeed ee ka dhalatay tallaabadaas ayaa muujisay in Mareykanku uu ahaa waddanka kaliya ee ka mid ah 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee ka gaabsaday cambaareynta aqoonsiga Israa’iil siisay maamulka gooni-goosadka ah.

Inkasta oo ay arrintaasi keentay go’doomin diblomaasiyadeed, Washington waxay caddeysay in mowqifkeeda siyaasadeed uusan wax isbeddel ah ku iman. Ku-xigeenka wakiilka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Tammy Bruce, ayaa sheegtay in inkasta oo Israa’iil ay xaq u leedahay inay samaysato xiriir diblomaasiyadeed, haddana Mareykanku “uusan soo saarin wax bayaan ah oo ku saabsan aqoonsi Somaliland, isla markaana aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid siyaasadda Mareykanka.”

 

Isagoo hadal ka jeediyay Golaha Ammaanka,

Ergeyga Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Danjire Abuu Bakar Daahir Cismaan oo hadal ka jeediyay golaha ammaanka ayaa ugu baaqay xubnaha golaha inay si adag u diidaan falalka gardarrada ah ee Israel,isagoo caraka ku adkeeyay in tallaabadani aysan khatar ku ahayn oo kaliya midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, balse ay sidoo kale halis weyn ku tahay xasilloonida guud ee Geeska Afrika iyo gobollada ku teedsan Badda Cas.

Danjiruhu waxa uu si gaar ah u muujiyay walaac ku aaddan suurtagalnimada in tallaabadan looga gol leeyahay in lagu fududeeyo qorshe Israa’iil ay ku doonayso in si qasab ah “dadka Falastiiniyiinta looga raro Qaza loona dajiyo gobolka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya.”

 

“Xadgudubkaan ka dhanka ah sharciga caalamiga ah iyo akhlaaqda bani’aadanimo waa in si degdeg ah loo joojiyaa,” ayuu Danjire Cismaan u sheegay Golaha, isaga oo ku tilmaamay qorshe kasta oo barakicin qasab ah mid si cad uga hor imaanaya xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah.

 

Walaaca la xiriira barakicinta Falastiiniyiinta ayaa sidoo kale ay muujiyeen wufuud kale oo muhiim ah, Iyagoo ku hadlaya magaca 22-ka waddan ee xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.

Ergeyga Qaramada Midoobay, Maajid Cabdulfataax Cabdulcasiis, ayaa sheegay in Jaamacadda Carabtu ay si buuxda u diidan tahay “tallaabo kasta oo ka dhalatay aqoonsigan sharci-darrada ah, kuna wajahan fududeynta barakicinta qasabka ah ee dadka Falastiiniyiinta, ama ka faa’iidaysiga dekedaha waqooyiga Soomaaliya si loogu dhiso saldhigyo ciidan.

Sidoo kale, Ku-xigeenka Safiirka Pakistan ee Qaramada Midoobay, Maxamed Cusmaan Iqbal Jadoon, ayaa ku tilmaamay aqoonsiga mid “sharci-darro ah” iyo “aad u halis badan,” isaga oo xusay inuu ka hor imanayo tixraacyo hore oo gobolka loogu arkayay meel Falastiiniyiinta lagu masaafuriyo.

 

Shiinaha iyo Boqortooyada Ingiriiska, oo labaduba ah xubno joogto ah oo Golaha Ammaanka ka tirsan, ayaa ku biiray mowqifka diidmada,waxaana Ergeyga Shiinaha ee Qaramada Midoobay, Sun Lei, uu sheegay in Beijing “ay si adag uga soo horjeeddo fal kasta oo lagu kala qaybinayo dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Koonfur Afrika ayaa iyaguna xaqiijiyay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, taas oo ku asteysan xeerarka Midowga Afrika.

Previous Post

Dowladda Masar ayaa si xooggan u caddeysay inaysan aqbali doonin faragelinta Israel

Next Post

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Next Post
Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In