Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka oo Bogaadiyay korarka dakhliga Dowladda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warbixin uu soo saaray golaha ammaanka oo looga hadlay xaaladda uu marayo dalka Soomaaliya ayaa lagu muujyay guulalaha laga gaaray dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay gelisay kor u qaadidda dakhliga gudaha si ay u gaarto isku filnaansho dhaqaale.

Warbixnta  ayaa lagu caddeeyay in dakhliga gudaha dalka Soomaaliya laga soo aruuriyay intii u dhexeysay January iyo November 2018 uu ka badnaa sannadkii ka horreeyay uuna gaaray $161 million.

Sannadkii  2017 ayaa warbixinta lagu sheegay in dakhliga guduhu ahaa $142.6 million.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Qoraalkaan golaha ammaanka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dakhligaas badan ee gudaha kasoo xarooday uu ahaa natiijada kasoo baxday dadaaal ballaaran oo joogta ah oo la geliyay aasaaska canshuur qaadisata, hagaajinta iyo awoodaynta hannaaka canshuur aruurinta iyada oo bishii June 2018 la sameeyay xafiis cusub oo canshuuraha u gaar ah.

GOLAHA AMMAANKA oo u riyaaqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta

Warbixin golaha ammaanku uu kasoo saaray arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in barnaamijka dayn cafinta dalka wajigiisa sedaxaad (SMP3), barnaamijka socda ee xoojinta awoodda dadaallada lagu hagaajinayo dakhliga gudaha kasoo xarooda iyo hannaanka lagu wada qancay ee dowladdu u dhaqan glisay dhammaan shuduudihii ku xirnaa dib-u-habaynta dhaqaalaha ay muujiyeen sida DFS ay uga go’antahay ka guul gaaridda barnaamijka dayn cafinta dalka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in barnaamijka SMP3 uu watay hadafyo waawayn oo ay kamid ahaayeen in si dhaqsa ah loo dhaqan geliyo isbedelka qaab dhismeedaka bangiga dhexe ee dalka, dadaallada la dagaalanka musuqa iyo isla xisaabtanka oo ay qayb ka yihiin samaynta shariciyada muhiimka u ah ka gun gaaridda hadafyadaas waawayn.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in intii lagu guda jiray doodda heerkeedu sarreeyo ee lagu qabtay Washington D.C, in dhinacyada daymaha ku leh Soomaaliya iyo deeq bixiyayaashuba ay xaqiiqsadeen in horumar wayn la gaaray, dib-u-qaabaynta hay’adaha dhaqaalaha  arrintaas oo dalka soo gaarsiisay heerka go’aannada looga gaaro wadamada faqriga ah ee sida xad dhaafka ah u daymaysan (HIPC).

Warbixnta golaha amaanka ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada muhiimka ah ee daymaha ku leh Soomaaliya ay ka hadleen dareenkooda ku aaddan taageerada qorshaha daynta looga cafinayo Soomaaliya, maadaama ay ku qanceen sida ay uga soo bexeen shuruudihii laga doonayay in kasoo gudbaan.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in magacaabistii guddoomiyaha Bangiga dhexe ay ahayd tillaabo wanaagsan oo muujinaysa in Soomaaliya ay xaqiijisay hadafyada dib-u-habaynta dhaqaalaha dalka.

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo sheegay inuu gabagabo marayo Tirakoob ay ku sameynayaan hantida guud ee Dowladda

Next Post

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga oo wada xaqiijiyay xoogganaanta xiriirka labada dal

Next Post
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga oo wada xaqiijiyay xoogganaanta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Turkiga oo wada xaqiijiyay xoogganaanta xiriirka labada dal

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In