Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Golaha ammaanka oo ka hadlaya xiisadda magaalada Qudus
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladaha Sweden, France  iyo Masar, ayaa Sabtidii,weydiistay gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay in ay isugu yimaadaan kulan looga hadlayo xiisadda ka taagan magaalada Qudus Al shariif oo uu ku yaala Masjidul Aqsa.

Sadexdan dal,ayaa xubin ka ah golaha,” Codsiga golaha ammaanka ayaa looga gol leeyahay in looga hadlo sidii loo qaboojin lahaa xiisadda magaalada Qudus “, sidaa waxaa  bartiisa Twitter ku qorey Carl Skau,oo ah afhayeenka ergada Sweden ee QM.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Ma jiro war rasmi ah oo arintan ku aadan laakiin golaha ammaanka ayaa maanta oo Isniin ah la fileyaa in ay ka hadlaan.

Kooxda Russia u qaabilsan arimaha bariga dhexe, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Qaramada midoobay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin xiisadda ka soo cusboonaatay magaalada Qudus ee u dhexeysa xoogga Israa’il iyo shacabka Falastiin.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa jimcihii si kulul u cambaareeyay rabshadaha u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo ciidamada Yuhuuda. Isagoo sidoo kale dhaleeceeyay weerarada mindiyeynta ah oo ay qaadayaan Falastiiniyiinta kuwaas oo lagu diley sadex Israa’iiliyiin ah oo degan Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Ugu yeraan  57 Falastiiniyiin ah ayaa lagu dhaawacay rabshadaha u dhexeeyay xoogaga Yuhuuda iyo dadka reer Falatiin oo ka dhacay banaanka Masajidka Aqsa, sida ay soo warisay Laant Qeerta Cas ee caalamiga ah.

Masajidka ayaa dib u loo furey kadib labo maalin oo uu xirnaa, maamulka Yuhuuda ayaa Masjidka Aqsa ku rakibey qalab dadka soo galaya lagu baaro, waxaana arintaas ka soo hor jeestay dadka Falastiiniyiinta  oo ku doodaya in ay bedeleyso qaabkii uu ahaa Masjidka  isla markaana yareynaysa dadka Salaadaha ku dukanaya iyo kuwo kale oo soo booqanaya.

Hase ahaatee, Israel ayaa diiday in ay qalabkaas meesha ka qaado, waxayna sheegeen in ay u jeedku yahay xaqiijinta amniga  Masjidka barakeysan ee Aqsa.

Magaalada Barakeysan ee Qudus ayaa waxaa ku yaala Masjidul Aqsa oo ah kan sadexaad uu ugu barakeysan guud ahaan Muslimiinta.

 

Previous Post

Wasiirka dastuurka oo ururada bulshada Jubbaland kala hadlay dib u eegista dastuurka-Sawirro

Next Post

Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado

Next Post
Abaanduulaha CXD iyo taliyaha AMISOM oo gaaray Cadaado

Saraakiil UNDP ka socotay oo gaaray Cadaado

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In