Shirka degdega aha ee xalay lagu qabtay xarunta golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si cad loogu taageeray Midnimada JFS iyo Madax bannaanideeda dhuleed.
Hadaba halkan waxaan ku soo koobeynaa dalalka sida weyn uga falceliyay duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday Qarannimada iyo madax bannaanida dalkeenna.
1. Dowladda Mareekanka ayaa csdeysay inaysan waxba iska baddelin mawqifkiisa ku aaddan wadajirka dhuleed Soomaaliya. Sidoo kale Xukuumadda Washington waxa ay ku celisay inay si buuxdo u taageersantahay Madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
2. Boqortooyada Denmark ayaa tilmaamtay inay si xoogan u taageersanyihiin midnimada dhuleed ee JFS, ayna ku taaganyihiin baaqii dhawaan uu soo saaray Midowga Yurub ee lagu taageeray wadajirka iyo madax banaanida Soomaaliya.
Ergada Denmark waxa ay caddeeyeen in Danmark u aragto midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika, iyagoo ka horyimid tallaabo kasta oo horseedi kara kala qaybsanaan.
3. Dowladda Ruuska ayaa wakiilada ka hadlay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka caddeeyay inay si buuxdo u taageersanyihiin, Qaranimada, Madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaliya.
Ruushku waxa uu iftiimiyay in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aas aasi u tahay xasiloonida gobolka, isla markaana aan la aqbali karin fal kasta oo midnimadaas wax u dhimaya. Ruushku waxa uu si cad u sheegay in uu ka soo horjeedo faragelinta dibadda ee la doonayo in lagu kala qaybiyo dawladaha madax-bannaan ee dhisan.
4. Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa dhankooda waxa ay si cad u shaaciyeen inay si buuxdo oo xoogan ay u taageersanyihiin Qaranimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana Shiinuhu uu yahay difaaca koowaad ee ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
Ergada Shinaha ee shirka ka hadashay ayaa waxaa kaloo ay sheegeen in Shiinaha ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka, iyagoo ka digay in isku dayo kasta oo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dowladda ay jabin doonto mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay.
5. Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay inay si buuxda oo hagar la’aan ah u garab taagan tahay midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Ergada dowladda Faransiiska ee shirka ka hadlay waxa ay si cad u sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, waxaana ay bogaadiyeen go’aanka ay qaateen Madaxda dowladda ee ah in khawaarijta laga ciribtiro Soomaaliya,
Xukuumadda Paris waxay iftiimisay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Geeska Afrika uu weli yahay mudnaan la wadaago, iyadoo ballan qaaday inay sii wadayaan iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo Nabadgelyada gobalka .
6. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay dhaq-dhaqaaqyada Isra’iil ay ka waddo Geeska Afrika, iyagoo muujiyay faragelin kasta oo lagu hayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah gobalka.
Ergada Pakistan ayaa shaaciyay in midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, Xukuumadda Islamabadna ay aqoonsan tahay hal Soomaaliya oo kaliya ayna u aragto ilaalinta xuduudaheeda in ay muhiim u tahay amniga gobolka.
Pakistan ayaa sheegtay in Isra’iill ay ku howlantahay ciyaar Juqraafiyadeed oo khatar ku ah nabadda marinka istaraatiijiga ah ee Badda Cas.











