Friday, April 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 months ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka oo ka horyimid xadgudubka Isra’iil ee dalkeenna
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka degdega aha ee xalay lagu qabtay xarunta golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si cad loogu taageeray Midnimada JFS iyo Madax bannaanideeda dhuleed.

Hadaba halkan waxaan ku soo koobeynaa dalalka sida weyn uga falceliyay duulaanka qaawan ee Israa’iil ku soo qaaday Qarannimada iyo madax bannaanida dalkeenna.

Related posts

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026

1. Dowladda Mareekanka ayaa csdeysay inaysan waxba iska baddelin mawqifkiisa ku aaddan wadajirka dhuleed Soomaaliya. Sidoo kale Xukuumadda Washington waxa ay ku celisay inay si buuxdo u taageersantahay Madax banaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

2. Boqortooyada Denmark ayaa tilmaamtay inay si xoogan u taageersanyihiin midnimada dhuleed ee JFS, ayna ku taaganyihiin baaqii dhawaan uu soo saaray Midowga Yurub ee lagu taageeray wadajirka iyo madax banaanida Soomaaliya.

Ergada Denmark waxa ay caddeeyeen in Danmark u aragto midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inay lagama maarmaan u tahay ilaalinta nabadda iyo xasilloonida Bariga Afrika, iyagoo ka horyimid tallaabo kasta oo horseedi kara kala qaybsanaan.

3. Dowladda Ruuska ayaa wakiilada ka hadlay shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka caddeeyay inay si buuxdo u taageersanyihiin, Qaranimada, Madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaliya.

Ruushku waxa uu iftiimiyay in midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay aas aasi u tahay xasiloonida gobolka, isla markaana aan la aqbali karin fal kasta oo midnimadaas wax u dhimaya. Ruushku waxa uu si cad u sheegay in uu ka soo horjeedo faragelinta dibadda ee la doonayo in lagu kala qaybiyo dawladaha madax-bannaan ee dhisan.

4. Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ayaa dhankooda waxa ay si cad u shaaciyeen inay si buuxdo oo xoogan ay u taageersanyihiin Qaranimada, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana Shiinuhu uu yahay difaaca koowaad ee ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ergada Shinaha ee shirka ka hadashay ayaa waxaa kaloo ay sheegeen in Shiinaha ay weli ka go’an tahay ilaalinta midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka, iyagoo ka digay in isku dayo kasta oo dibadda ah oo lagu doonayo in lagu kala qeybiyo dowladda ay jabin doonto mabaadi’da aasaasiga ah ee Axdiga Qaramada Midoobay.

5. Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay inay si buuxda oo hagar la’aan ah u garab taagan tahay midnimada, madax bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ergada dowladda Faransiiska ee shirka ka hadlay waxa ay si cad u sheegeen in dowladda Soomaaliya ay ku taageerayaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka, waxaana ay bogaadiyeen go’aanka ay qaateen Madaxda dowladda ee ah in khawaarijta laga ciribtiro Soomaaliya,

Xukuumadda Paris waxay iftiimisay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ee Geeska Afrika uu weli yahay mudnaan la wadaago, iyadoo ballan qaaday inay sii wadayaan iskaashiga ay la leedahay Soomaaliya si loo xaqiijiyo Nabadgelyada gobalka .

6. Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan ayaa si kulul u cambaareysay dhaq-dhaqaaqyada Isra’iil ay ka waddo Geeska Afrika, iyagoo muujiyay faragelin kasta oo lagu hayo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu yahay mid halis ku ah gobalka.

Ergada Pakistan ayaa shaaciyay in midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid muqadas ah, Xukuumadda Islamabadna ay aqoonsan tahay hal Soomaaliya oo kaliya ayna u aragto ilaalinta xuduudaheeda in ay muhiim u tahay amniga gobolka.

Pakistan ayaa sheegtay in Isra’iill ay ku howlantahay ciyaar Juqraafiyadeed oo khatar ku ah nabadda marinka istaraatiijiga ah ee Badda Cas.

 

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xalay si diiran loogu soo dhaweeyay Turkiga

Next Post

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

Next Post
Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

Banaanbaxii ugu weynaa ee looga soo horjeedo xadgudubka israa’iil oo ka socda Muqdisho

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026

April 24, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 24th April, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka dib ugu...

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria oo si rasmi ah waraaqadaha safiirnimo looga aqbalay.

April 24, 2026
0

Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria, Mudane Mohamed Osman Mohamed, ayaa si rasmi ah waraaqaha aqoonsiga...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo tagay gobolka Bakool

April 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa booqasho ku tagay degmada Xudur ee Gobolka Bakool, Wafdiga ayaa waxaa...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah-furay Mashruuca xoojinta adkeysiga magaalooyinka

April 23, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Mashruuca xoojinta adkeysiga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In