Friday, January 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Ammaanka oo wakhtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Golaha Ammaanka oo wakhtiga u kordhiyay howlgalka AMISOM
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dowladda Soomaaliya ku booriyay in ay qabato doorashada aan daah laheyn, si loo dardar geliyo dagaalka ka dhanka ah argagaxisada Alshabaab.

Kulan jimcihii shalay isugu yimaadeen golaha ayay ku meel mariyeen in muddada loo kordhiyo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ilaa dhammaadka sanadka 2021.

Related posts

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026

Sidoo kale, golaha waxay sheegeen in mas’uuliyadda amniga dalka AMISOM ay kala wareegi doonaan ciidanka xoogga dalka sanadka 2023.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay leedahay dhismaha ciidanka xoogga dalka iyo hey’adaha kale ee dowliga ah. Sidoo kale, waxay walaac ka muujiyay dib u dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya.

Sidoo kale, golaha ammaanka waxay hogaamiyeyaasha Soomaalida ugu baaqeen in ay qabtaan doorasho xaq iyo caddaalad ah iyadoo la raacayo heshiiskii 17 September sanadkii hore 2020.

Golaha ammaanka waxay soo dhaweeyay horumarka Soomaaliya ku talaabsatay iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin howlgalka AMISOM, balse waxay dareen ka muujiyeen khatarta amni ee ay wadaan argagaxisada Alshabaab.

 

Previous Post

Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Next Post

Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo Caalamka ugu Baaqday in La Qaato Tallaalka Covid19 ee AstraZeneca

Next Post
Hay’adda Caafimaadka Aduunka oo Caalamka ugu Baaqday in La Qaato Tallaalka Covid19 ee AstraZeneca

Hay'adda Caafimaadka Aduunka oo Caalamka ugu Baaqday in La Qaato Tallaalka Covid19 ee AstraZeneca

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In