Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka Sare oo ka hadlay Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kalfadhiga 6aad kulankiisa 30aad ee ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ajandihiisu ahaa akhrinta 2aad ee Hindise -sharciyeedka Istaatistikada Qaranka ayaa waxaa shir guddominayay Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullahi, ayadoo ay goob ka ahaayeen Guddomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Guddomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senator Moowlid Xuseen Guhaad.

Kulanka Golaha Aqalka Sare waxaa kaloo ku sugnaa Wasiirka Qorsheynta Mudane Jamaaal Maxamed Cusman iyo xubno kale oo ka socda Wasaaradda Qorsheynta.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Ku-simaha Guddoomiyaha guddiga Arrimaha Dibadda, Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Golaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiye ku-xigeenka Guddigaasi Senator  Maxamed Cusmaan Faarax ayaa ka hor akhriyay Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hibdise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka iyo qodobadii wax ka badal lagu sameeyay iyo lagu kordhiyay.

Xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay doodda Hindise sharciyeedka, iyadoo Mudanayaasha qaar ay sheegeen in Hindise-sharciyeedka Istaatistikada Qaranka uu muhiim u yahay dalka.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Jamaal Maxamed Cusmaan ayaa qodobada qaar ka hadlay, isagoo dhinaca kale u mahadceliyay gudiga Qorsheynta ee Golaha Aqalka Sare

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kulanka soo gaba gabeeyay ayaa sheegay in Guddiga iyo Wasaaradda ay ka sugayaan inay ka soo shaqeeyaaan Hindise Sharciyeedka, ayna u soo celiyaan Golaha  si loo marsiiyo Akhrinta 3aad.

 

Previous Post

Ahmiyadda uu dalka u leeyahay Manhajka cusub ee Waxbarashada oo lagu qabtay Xudur “SAWIRRO”

Next Post

Xukuumadda Soomaaliya oo hakisay mashruuca dhismaha qaar ka mid ah magaalooyinka dalka

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Kulan La Qaatay Bulshada Ku Nool Magaalada Gaalkacyo

Xukuumadda Soomaaliya oo hakisay mashruuca dhismaha qaar ka mid ah magaalooyinka dalka

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In