Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay laba kulan oo si xigay, kuwaas oo kala ah kulammada 38-aad iyo 39-aad, ayaa meel mariyay sharciga Jaangoynta iyo Tayada dhowrka Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi.ayna goob joog ahaayeen Guddomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Senator Moowlid Xuseen Guhaad ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ganacsiga iyo Maaliyadda Senator Deeqo Xasan Xuseen ayaa soo jeedisay qodobbadii wax ka baddelka lagu sameeyey xeerkan.

Senatorrada golaha Aqalka sare ayaa su’aalo dheeraad ah ka weydiiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaarada ganacsiga oo hor yimid Golaha Aqalka Sare, isagoo uga  jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyey, waxaana sanotorradu ay codsadeen in la galo kulanka 39-aad si loo ansixiyo maadaama uu sharcigan dalka muhiim u yahay.

Guddoonka ayaa furay kulankii 39-aad isla maanta, waxaana Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga iyo Maaliyadda Sanotor Axmed Cabdi Dhuxuloow (Dheg-dheer) uu codsaday in la ansixiyo sharciga maadaama akhrinta seddexaad la dhammeeyey.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana codeeyay 28 Senator cid ka aamustay ama diiday ma jirin sidaas ayuuna ansax ku yahay, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan.

Previous Post

Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Dowladda Mareykanka oo dib u billowday taageerada Ciidanka Xoogga

Next Post
Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda+Sawirro

Dowladda Mareykanka oo dib u billowday taageerada Ciidanka Xoogga

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In