Monday, September 25, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
February 12, 2020
in Wararka
0
Golaha Aqalka sare oo meel mariyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Aqalka sare ee  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay laba kulan oo si xigay, kuwaas oo kala ah kulammada 38-aad iyo 39-aad, ayaa meel mariyay sharciga Jaangoynta iyo Tayada dhowrka Soomaaliyeed.

Kulanka oo uu Shir Guddoominayay Guddomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaaahi Cabdullahi.ayna goob joog ahaayeen Guddomiye ku-xigeennada 1aad iyo 2aad ee Aqalka Sare Senator Abshir Maxamed Axmed iyo Senator Moowlid Xuseen Guhaad ayaa ka hadlay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka

September 25, 2023
Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023

Guddoomiye ku xigeenka Guddiga ganacsiga iyo Maaliyadda Senator Deeqo Xasan Xuseen ayaa soo jeedisay qodobbadii wax ka baddelka lagu sameeyey xeerkan.

Senatorrada golaha Aqalka sare ayaa su’aalo dheeraad ah ka weydiiyey Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay wehliyaan Wasiiru Doowlaha iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaarada ganacsiga oo hor yimid Golaha Aqalka Sare, isagoo uga  jawaabay dhammaan su’aalihii la weydiiyey, waxaana sanotorradu ay codsadeen in la galo kulanka 39-aad si loo ansixiyo maadaama uu sharcigan dalka muhiim u yahay.

Guddoonka ayaa furay kulankii 39-aad isla maanta, waxaana Guddoomiyaha guddiga Ganacsiga iyo Maaliyadda Sanotor Axmed Cabdi Dhuxuloow (Dheg-dheer) uu codsaday in la ansixiyo sharciga maadaama akhrinta seddexaad la dhammeeyey.

Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka Jaangoynta iyo Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana codeeyay 28 Senator cid ka aamustay ama diiday ma jirin sidaas ayuuna ansax ku yahay, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Aqalka sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Dhanka kale Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa Golaha Aqalka Sare uga mahadceliyay meel marinta sharcigan.

 

Previous Post

Shir looga hadlayo arrimaha garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Dowladda Mareykanka oo dib u billowday taageerada Ciidanka Xoogga

Next Post
Tababar loo soo xiray ciidan ka tirsan ururka 60-aad ee ilaalada Madaxtooyadda+Sawirro

Dowladda Mareykanka oo dib u billowday taageerada Ciidanka Xoogga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka

September 25, 2023
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dalka Jabuuti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin ayaa...

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

Madaxweynaha Jubbaland oo saxiixay Saddex Xeer oo muhiim ah “SAWIRRO”

September 24, 2023
0

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta sixiixay Xeerar Saddex ah, kuwaa oo kala ah:- 1. Xeerka...

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Khawaarijta oo jab xooggan loogu geystey deegaanno hoostaga Gobolka Mudug

September 24, 2023
0

Dhagaxdheer iyo Daaday oo hoostaga Caad ayaa lagu soo waramayaa in dagaal uu ka socdo ka dib markii Ciidanka xoogga,...

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

Mudane Ciise Guure oo soo xiray shir ay iskugu yimadeen madaxda rugta ganacsatada 

September 24, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guure, ayaa soo xiray shir uu soo agaasimay Gobolka Banaadir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In