Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Horumarinta Qorsheynta Qaranka oo maanta shir uga furmay Muqdisho+Sawirro

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Golaha Horumarinta Qorsheynta Qaranka oo maanta shir uga furmay Muqdisho+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026

Golaha Horumarinta Qorshaha Qaranka Soomaaliyeed  ayaa maanta shirkooda caadi ahaa ee bishii mar ay isugu  yimaadaan ku yeeshay magaalada Muqdisho,kaasi oo ay ka soo qeyb galeen Wasiirada Qorsheynta Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Dowladda dhexe.

Waxaa kullanka diiradda lagu saaray Qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin hanaanka wadajirka ah fulinta mashaariicda dalka iyo sanadka saddexda qodob ee ugu muhiimsan ee Dowlad Goboleedyada laga fuliyo.

Kullanka markii uu soo idlaaday ka dib ayaa waxaa warbaahinta faah faahin ka siiyay waxyaabihii looga hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Soomaaliya C/qaadir Aadan Maxamed oo sheegay in kullanka mudada uu socdo si wada jir ah loo eegi doono mashaariicda la doonayo in laga fuliyo deegaanada Dowlad Goboleedyada iyo in iyagana ku biiriyaan kaalintooda kaga aadan shirka.

Sidoo kale,waxaa kullanka ka hadlay Wasiirada Qorsheynta Maamulka Goboleedyada dalka waxayna si qoto dheer ah u faah faahiyeen dadaalada ka socda deegaanadooda iyo sida looa jawaabay abaaraha,waxayna sidoo kale tilmaameen iney jiraan mashaariic hadda laga fulinayo oo ay garwadeyn ka tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kullanka oo socon doona labo maalin ayaa ka qeyb galayaasha waxay ugu danbeyn soo bandhi doonaan aragti mideysan oo laga qaadanayo qodobada muhiimka ah ee looga hadlayo.

Previous Post

Libya arrests 61 militants involved in airport attack

Next Post

R/wasaare Khayre oo u amba baxay Dalka Switzerland

Next Post
R/wasaare Khayre oo u amba baxay Dalka Switzerland

R/wasaare Khayre oo u amba baxay Dalka Switzerland

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo qaabilay Taliyaha Hawlgallada Gaarka Mareykanka ee Qaaradda Africa

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo booqasho dhiirrigelin ah ugu tagay Ciidamada ku sugan magaalada Baydhabo

September 13, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar, oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS, ayaa...

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In