Tuesday, February 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyay Xeerka Deegaameynta Kuraasta Aqalka sare iyo Golaha Shacabka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyay Xeerka Deegaameynta Kuraasta Aqalka sare iyo Golaha Shacabka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kooramka ama guntanka Kalfadhiga 7-aad kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka oo ku furmay 150-mudane  waxaa shir guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan,waxaana sidoo kale kulanka joogay guddoomiye kuxigeenadda koowaad iyo labaad ee Golaha Shacabka.

Labada Ajende ee kulanka oo kala ahaa Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’addaha aan dowliga aheyn iyo sii wadida ka doodista Xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacabka,waxaana goluhu uu ku hormaray Akhrinta 1-aad ee Hindise Sharciyeedka Hay’adaha aan dowliga aheyn oo uu goluhu u faah faahiyay Wasiirka Qorsheynta,maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan.

Related posts

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026

Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim ‘’Muudey’’ ayaa sheegay in muhiim ay tahay in la helo sharci lagula xisaabtamo hay’ddaha dalka ka howl-gala si xogahooda iyo howlaha ay dalka ka hayaan loo ogaado.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo u mahad celiyay wasaaradda qorsheynta oo sharciga soo diyaarisay ayaa tilmaamay in sharcigan uu aad muhiim ugu yahay dalka,  isla markaana uu xoojinaayo Xukuumadda gaar ahaan wasaaradda qorsheynta oo soo diyaarisay.

Maadaamaa hindise sharciyeedkan uu maray keliya Akhrintiisa koowaad oo aysan jirin wax ka doodis ah oo xildhibaanadda uga furnaa ayaa waxa ay xildhibaanadda u gudbeen Ajnedaha labaad ee kulankaa oo ahaa xeerka Asteynta kuraasta Golaha Shacbaka,waxaana Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ah guddoomiyaha guddiga wadajirka ku meel gaarka ah ee sameynta xeerarka dhameystirka sharciga doorashooyinka qaranka uu goluhu ka hor akhriyay qodobo ka mid ah xeerkan oo uu guddigu kusoo daray fikradihii iyo talooyinkii Xildhibaanadda ay ka dhiibteen kulankii kan ka horeeyay,wuxuuna Goluhu ka codsaday in ay ansixiyaan.

Xildhibaanadda Golaha Shacabka oo codgeliyay xeerkan ayaa waxaa haa ku ogolaatay 144-Xildhibaan sida uu natiijadda codeynta ku dhowaaqay guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray.

Tags: Golaha Shacabka oo Maanta Ansixiyay Xeerka Deegaameynta Kuraasta Aqalka sare ee Golaha Shacabka+Sawirro
Previous Post

Bangiga Aduunka oo Soomaaliya ugu yaboohay 40 Milyan oo Doolar

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Madaxweyne Farmaajo oo xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dib u dhiska garoonka kubadda Cagta ee Muqdisho

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

Haweeney horay dil u geysatay oo dil toogasho ah lagu fuliyey.

February 3, 2026
0

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa toogasho lagu fuliyey Hodan Maxamuud Diiriye oo  Maxkamad ku taalla Puntland ay dil toogasho ah horay...

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

Duqeymo culus oo laga fuliyey deegaano hoostago Masaajid Cali Gaduud.

February 3, 2026
0

Duqeyn culus ayaa saacadihii dambe ee xalay lagu beegsaday Khawaari muddooyinkii dambe godad ka qodanayay deegaanka Geedi-xeyr oo Waqooyi kaga...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

Wasiirka Caafimaadka XFS oo ka qeybgalay shirka Guddiga Fulinta ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka

February 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee JFS, Dr Cali Xaaji Aadam Abubakar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb...

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

MCC oo ku guuleysatay Koobka Jeneraal Daa’uud

February 2, 2026
0

Kulankii finalka ee Koobka Jeneraal Daa'uud ayaa galabta lagi soo gabagabeeyay Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho, halkaasi oo ay u daawasho...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In