Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

“Sharciga Maareynta Maaliyadda guud (PFM) waxaa ogol u codeeyay (Haa) 148, waxaa diiday 6 Xildhibaan waxaa ka aamusay labo Xildhibaan, sidaas ayuu ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen.

Sidoo kale Xildhibaannada golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay, islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare, waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga ganacsiga, Warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka aanan dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka muhiimka u ah, gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka, maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yaryahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka in ay xoogga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo sidoo kalena codeynta sharcigan ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

 

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Agaasimeyaasha iyo Tifaftirayaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa Madaxa bannaan

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Caafimaadka oo looga hadlayo macluumaad badan

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Caafimaadka oo looga hadlayo macluumaad badan

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In