Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulanka guud ee Mudanayaasha Golaha Shacabka oo ku furmay 156-Xildhibaan,waxaa ugu horeyn Xoghayaha guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda, Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aadan Cali Xasan uu Golaha u Akhriyay meelaha wax ka bedelka lagu sameeyay ee Sharciga Maareeynta maaliyadda guud PFM-ka.

Intaasi ka dib Xildhibaanadda Golaha oo u codeeyay Sharcigan ayaa waxaa codka Haa ku ogolaatay 148-Xildhibaan 6-Xildhibaan ayaa diiday halka 2-Xildhibaanna ay ka aamustay sida uu natiijada ku dhowaaqay Guddoomiyaha Golaha shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo kulanka shir guddoominayay.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

“Sharciga Maareynta Maaliyadda guud (PFM) waxaa ogol u codeeyay (Haa) 148, waxaa diiday 6 Xildhibaan waxaa ka aamusay labo Xildhibaan, sidaas ayuu ansax ku yahay” ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda,Miisaaniyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Aamina Cusmaan ayaa Xildhibaanada uga mahad celiyay sida ay sharcigan u ansixiyeen.

Sidoo kale Xildhibaannada golaha shacabka ayaa u codeeyay Sharciga shirkadaha oo goluhu horey u ansixiyay, islamarkaana uu dib usoo celiyay golaha Aqalka Sare, waxaana ogolaatay 156-Xildhibaan oo ah tirada guud ee Xildhibaanadda kulanka joogay.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Injineer Cabdullaahi Cali Xasan iyo Guddiga ganacsiga, Warshadaha iyo horumarinta dhaqaalaha ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay ugu codeeyeen sharcigan.

Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa sheegay labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka aanan dhankooda siyaasadeyn shuruucda Dalka muhiimka u ah, gaar ahaan kuwa kaabaya qorshaha deyn cafinta Dalka, maadaamaa ay dalka muhiim u yihiin.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maadaamaa waqtiga uu aad u yaryahay looga baahanyahay Guddiga diyaarinta sharciga Doorashooyinka Qaranka in ay xoogga saaraan ka hor dhamaadka bishan December in sharcigan la ansixiyo sidoo kalena codeynta sharcigan ay si wadajir ah ugu codeyn doonaan labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka.

 

 

Previous Post

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Agaasimeyaasha iyo Tifaftirayaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa Madaxa bannaan

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Caafimaadka oo looga hadlayo macluumaad badan

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Caafimaadka oo looga hadlayo macluumaad badan

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In