Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Agaasimeyaasha iyo Tifaftirayaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa Madaxa bannaan

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Wasiirka Maaliyadda oo la kulmay Agaasimeyaasha iyo Tifaftirayaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa Madaxa bannaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilsay Agaasimeyaasha iyo Tifatirayaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa bannaan.

Wasiirka Maaliyadda ayaa bartiisa ku qoray in kulanka uu la qaatay madaxda Warbaahinta ay uga wada hadleen horumarka dhaqan dhaqaale ee ay xukuumaddu ku talaabsatay, xoojinta doodaha wacyigelinta bulshada, daah furnaanta iyo dowlad wanaagga.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026

Wasiir Beyle ayaa yiri “Waxaan isdhaafsannay su’aalo iyo jawaabo ku saabsan horumarka laga sameeyay dhaqaalaha dalka, caqabadaha jira, sidii loo xalin lahaa iyo dhammaystirka hannaanka deyn cafinta Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Soomaaliya.

“Waxaa kale oo aan si faahfaahsan uga jawaabay su’aalo ku saabsanaa kabka Miisaaniyadeed ee ay nagu taageeraan midowga yurub (European Union Budget Support) iyo sida ay noola shaqeeyaan Bangiga Adduunka (World Bank), Bangiga Horumarinta Afrika (African Development Bank) oo kaalin firfircoon ka qaata horumarinta dalka, IMF iyo Hay’adaha kale ee Soomaaliya caawiya” ayuu Wasiir Beyle hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn kulanka Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Agaasimeyaasha Warbaahinta dowladda iyo kuwa madaxa bannaan ayaa lagu heshiiyay in laga wada shaqeeyo wixii dalka dib-u-dhiskiisa faa’iido u keenaya.

Previous Post

Wasiirka Awqaafta iyo Diinta Soomaaliya oo heshiis la saxiixday Madaxda Wasaaradda Xajka ee Sucuudiga

Next Post

Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka “SAWIRRO”

Golaha shacabka oo meel mariyay Sharciga Maareynta Maaliyadda Guud ee Dalka "SAWIRRO"

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MADASHA AL-CALAMAYN KU SOO BANDHIGAY FURSADAHA MAALGASHI IYO DHAQAALE EE SOOMAALIYA

October 3, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo...

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

Xukunka Askari saaxiibkiis u dilay caro uu ka qaaday Turub ay wada ciyaarayeen

October 3, 2026
0

Eedeysane Dable Booliska Nuur Ibraahim Sahal, ayaa lagu soo eedeyay dembiga ah dil kas ah oo uu u geeystay Marxuum...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Masar

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Mudane...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In