Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyadoo ay soo xaadirtay 141 Xildhibaan.

 

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaa sidoo kale laga hor aqriyay wax ka bedelka sharciga Furdooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim “Xaliima Yarey” ayaa Golaha Shacabka u faah faahisay heerka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashooyinka Dalka, habraaca doorashooyinka la xiriira,diiwaan gelinta xisbiyada, wacyi gelinta iyo diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale nooca ay cod bixinta noqon doonto oo ah nooca Bio-metric registration oo ah aalada aqoonsiga wejiga qofka sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga oo sidoo kale xustay in uu Guddiga buuxiyay kuraasta ka banaan golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanda golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay wax ka bedelka sharciga furdooyinka sharciga No1 oo soo baxay 30-kii Bishii March sanadkii 1961-kii,Waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim.

Sidoo kale Xildhibaanda qaarkood ayaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay su’aalo la xiriira baahida sharciga loo qabo iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigan lagu wareejinayo gudiga ku shaqada leh.

 

 

Previous Post

Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In