Wednesday, July 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Shacabka oo warbixin ka dhageystay Guddiga Madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 17, 2019
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, waxaana shir guddoomiyay guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, iyadoo ay soo xaadirtay 141 Xildhibaan.

 

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025

Xildhibaanada ayaa warbixin ka dhageystay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka, waxaa sidoo kale laga hor aqriyay wax ka bedelka sharciga Furdooyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliima Ismaaciil Ibraahim “Xaliima Yarey” ayaa Golaha Shacabka u faah faahisay heerka ay marayaan howlaha u diyaar garowga doorashooyinka Dalka, habraaca doorashooyinka la xiriira,diiwaan gelinta xisbiyada, wacyi gelinta iyo diiwaan gelinta codbixiyaasha iyo sidoo kale nooca ay cod bixinta noqon doonto oo ah nooca Bio-metric registration oo ah aalada aqoonsiga wejiga qofka sida ay sheegtay Guddoomiyaha Guddiga oo sidoo kale xustay in uu Guddiga buuxiyay kuraasta ka banaan golaha shacabka.

Sidoo kale Xildhibaanda golaha Shacabka ayaa Akhrinta koowaad marsiiyay wax ka bedelka sharciga furdooyinka sharciga No1 oo soo baxay 30-kii Bishii March sanadkii 1961-kii,Waxaana Xildhibaanada u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Maxamuud Xayir Ibraahim.

Sidoo kale Xildhibaanda qaarkood ayaa wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda weydiiyay su’aalo la xiriira baahida sharciga loo qabo iyo saameynta miisaaniyadeed ee uu yeelan karo.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in sharcigan lagu wareejinayo gudiga ku shaqada leh.

 

 

Previous Post

Dhalinyaro ku xirnaa Xabsiyadda Liibiya oo Dalka dib loogu soo celiyay

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjireyaasha cusub ee Baxrayn iyo Burundi “SAWIRRO”

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay xuska maalinta xoriyadda iyo midnimada dalka

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xuska sannad guurada 65-aad ee xornimada iyo Midnimada...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljika dahsoon

July 1, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya xuska Munaasabadda 1-da Luulyo oo ku astaysan 65-...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xuska 1-da luulyo la dabaal-degay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Tanzania

July 1, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xalay fiidkii oo Isniin ahayd kaga qeybgalay Xuska 65...

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

Guddoomiye Aadan madoobe oo diray hambalyo ku aaddan 1-da Luulyo

July 1, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In