Jeneral C/Fataax Al- Burhaan oo ah Madaxa Golaha kumeelgaarka ah ee hoggaanka Suudaan ayaa la kulmay Maanta xubno ka socda Aqalka Senedka Maraykanka kula kulmay Qasriga Jamhuuriga ee magaalladda Khartuum.
Wafdiga ay la kulmeen Golaha ayaa ka koobana Laba xubnood oo ka tirsan Guddiga Xiriirada Arrimaha Dibedda ee Aqalka Senedka Maraykanka.
Warbaahinta Dowladda Suudaan ayaa sheegtay in Kulankan i diirada lagu saaray Xiriirka Maraykanka iyo Suudaan, Xalinta Khilaafka Suudaan iyo Itoobiya eek u qotama Muranka Biyo-xireenka Al Nahda iyo sidii ay Hay’addaha Caalamiga ah ay taageero uga geysan lahaayeen Taakulaynta Qaxootiga Itoobiyaanka ah ee ku nool Xeryaha ku yaalla gudaha dalka Suudaan.