Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo maanta go’aanno cad cad ka soo saaray shirkadaha dhex daggan xayndaabka garoonka diyaaradaha Aden Cadde

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo maanta go’aanno cad cad ka soo saaray shirkadaha dhex daggan xayndaabka garoonka diyaaradaha Aden Cadde
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 21, May, 2015….Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii caadiga ahaa, waxaana shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, kulanka ayaa looga hadlay barlamaanka Jubaland, Qaxootiga Yemen, Tala soo jeedin ku aadan shirkadaha degan Garoonka Diyaaradaha Aden Cade iyo Midaynta Qorshaha Qaranka.

Ugu horayntii golaha wasiirada ayaa ka dooday baarlamaanka cusub ee Jubaland, iyagoo tixgalinaya cabashoyinka ay muujinayaan qaar ka mid ah dadka deegaanka, waxaana goluhu uu go’aamiyey:

Related posts

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026

• Goluhu wuxu isku raacay in la saaro gudi dib u eegis ku sameeya cabashooyinka ka soo yeeraya Barlamaanka cusub ee Jubaland, gudigaasi waxaa uu daraasad ku samayn doonaa waxa dadku ay tabanayaan, kadibna wuxuu ku soo celinayaa golaha wasiiradda.

• Gudigan wuxuu la fariisan doono cid kasta oo ay khusayso arrimahaan, wuxuuna soo gudbin doonaa talooyin ku aadan sida ugu haboon ee xal midaysan looga gaari karo cabashooyinkaas.

Sidoo kale golaha wasiirada iyagoo ka jawaabaya dhibaatooyinka haysta qaxootiga ku dhaqan dalka Yemen, waxaa goluhu go’aamiyey in xubin kasta oo golaha ka mid ah uu ku tabaruco lacag gaaraysa 1,000 doolar, dhaqaalahaasna waxaa maamuli doona gudigii ku howlan gurmadka loo fidinayo qaxootiyada ka soo cararaya Yeman, waxaana dhaqaalaha ururintiisa loo xilsaaray Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte.

Dhanka kale Wasiirka Gadiidka iyo Duulista Hawada, ayaa golaha uga warbixiyey shirkadaha ka howl gala gudaha garoonka diyaaradaha Aden Cade, kuwaas oo qaarkood ay samaysteen deegaamo, halka qaarna ay degeen goobo ay leeyhiin wasaaradaha qaarkood, dood dheer kadib golaha wasiirada ayaa isku raacay qodobada hoos ku qoran:

• Si loo waafajiyo nidaamka Hay’adda Caalamiga ee Duulimaadka Rayidka (ICAO) waa in laga fujiyo siliga ku wareegsan meesha diyaaraduhu ka soo caga dhigtaan ama ka duulaan.
• Waxaa goluhu farayaa wasaardadaha ku shaqada leh, in shirkadaha degan xayndaabka garoonka laga qaado kirada dhulka ay ku shaqeystaan iyadoo laga soo bilaabayo waqtiga ay deggeen.
• Goluhu wuxuu farayaa wasaardaha ku shaqda leh in dib u eegis lagu sameeyo amniga garoonka diyaaradaha iyo agagaarkiisa, wuxuuna si gaar ah u farayaa in deg deg wax looga qabto wixii amni xumo keenaya.
• Goluhu wuxuu farayaa Wasaardaha Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha inay wixii khidmad canshuur ah oo ku waajibtay shirkadahaas intii ay daganaayeen gegida, in si deg deg ah loga soo xereeyo.

Ugu danbayntii golaha wasiirada ayaa warbixin ka dhagasytay wasiir ku xigeenka qorshaynta oo ay wasaaradiisu wado barnaamijka Midaynta Qorshaha Qaranka, waxaana ka mid ah qorshahaas in ( New Deal) uu noqdo qorshe qaran oo dowladu hogaaminayso, iyadoo laga duulayo baahida shacabka, wasaaraduhuna waxay soo gudbinayaan baahiyahooda si ay ula jaan qaadaan, waxaana qorshaan qayb ka noqon doono bulshada rayidka, dhalinyarada iyo maamulada ka jira dalka.

–—DHAMAAD—-

Previous Post

Suuq shaqo abuur looga sameeyay dad danyar ah oo Baydhabo laga hirgeliyay

Next Post

Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Next Post
Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho “Sawirro”

Bandhigga soo nooleeynta dhaqanka oo maanta lagu qabtay Muqdisho "Sawirro"

Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

September 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaadidka iyo Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (M Hon. Mohamed Farah Nouh, ayaa si buuxda uga raalli-galiyey...

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

September 6, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya. Tan...

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

September 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto Ibrahim Maxamad Maxamuud ayaa maanta booqasho shaqo ku tegay Taliska Qaybta 1-aad ee Kumaandooska...

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

Ciidanka XDS oo howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaanka Madax-maroodi

September 6, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Kumaandooska Danab ayaa hawlgallo qorshaysan ka sameeyay deegaanka Madax-maroodi ee Gobolka Shabeellaha Hoose, Hawlgalkan ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In