Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Galmudug oo ka qabsoomay Aqalka Madaxtooyada.
Shirka ayaa ku saabsanaa dhageysiga Qorshaha Horumarinta Dowlad Goboleedka Galmudug – Galmudug State Development Plan ( GSDP-3), ee sanadaha 2023-2024, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Galmudug.