Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyey degmooyin cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyey degmooyin cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha El-nino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabeelle ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimadda iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle, isagoo sheegay in deegaannada qaar ay ka socdaan abaabul shacab, oo dadka deegaanka isaga xoreynayaan cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ay Golaha hor keentay  Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,

1- Ceelbaraf

2 -Alkowsar

3- Ceelcali

4-Jawiil

5-Halgan

6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga gurmadka fatahaadaha uu kormeer iyo qiimeyn kusoo sameyn doono deegaannada laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga shabeeelle.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.









Previous Post

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In