Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyey degmooyin cusub “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ansixiyey degmooyin cusub “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha El-nino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.

Related posts

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabeelle ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimadda iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle, isagoo sheegay in deegaannada qaar ay ka socdaan abaabul shacab, oo dadka deegaanka isaga xoreynayaan cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ay Golaha hor keentay  Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,

1- Ceelbaraf

2 -Alkowsar

3- Ceelcali

4-Jawiil

5-Halgan

6- Jiliyaale

Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga gurmadka fatahaadaha uu kormeer iyo qiimeyn kusoo sameyn doono deegaannada laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga shabeeelle.

Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.









Previous Post

Kulan loogu diryaar garoobayo ka qeybgalka shirka Isbadalka Cimallada oo Muqdisho lagu qabtay

Next Post

Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post
Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo “SAWIRRO”

Kulan loogu duceynayay Marxuum Maxamed Axmed Caalin oo lagu qabtay Gaalkacyo "SAWIRRO"

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Somalia Reaffirms Economic Diplomacy at India-Arab Summit

January 31, 2026
0

H.E. Abdisalam Ali, Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, today participated in the...

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

Shirka Hindiya iyo Carabta oo la soo xiray

January 31, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay, ayaa maanta ka qeyb galay...

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

Guddoonka Hay’adda SoDMA oo fogaan aragga uga qeybgalay kulan Caalami ah

January 31, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo ay weheliyaan hoggaanka sare ee hay’adda, ayaa ka...

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

Shirweynaha Kheyraadka Biyaha oo ka furmay Dhuusamareeb

January 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta si...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In