Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada ee Hirshabeelle.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay Arrimaha amniga iyo Qorsheyaasha howlgalada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, Warbixinta roobab xoogan oo ka da’ay deegaanada Hirshabeelle iyo halista fatahaadaha iyo dabeylaha El-nino, Dardargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka iyo horumarinta magaalooyinka.
Wasiirka Amniga Gudaha Hirshabeelle ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee caasimadda iyo kan Magaalooyinka Hirshabeelle, isagoo sheegay in deegaannada qaar ay ka socdaan abaabul shacab, oo dadka deegaanka isaga xoreynayaan cadowga khawaarijta ah ee Al-Shabaab.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa warbixin guud oo ku saabsan dhismaha goleyaasha deegaanka ee degmooyinka la wadaagay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ay Golaha hor keentay Hindise Sharciyeed Degmooyin cusub loogu aqoonsanayo Deegaano soo buuxiyay shuruudihii Degmo-nimo kuwaas oo kala ah,
1- Ceelbaraf
2 -Alkowsar
3- Ceelcali
4-Jawiil
5-Halgan
6- Jiliyaale
Golaha Xukuumadda oo dood dheer ka yeeshay degmooyinkaan cusub ayaa ugu dambeyn cod aqlabiyad ah ku meelmariyay.
Wasiirka Gargaarka iyo Maareynyta Musiibooyinka ahna Gudoomiyaha Gudiga Fatahaadaha iyo Dabeylaha Elnino ee Hirshabeelle ayaa faahfaahin ka bixisay roobabkii xooganaa ee ka da’ay deegaannada Hirshabeelle, kuwaas oo saameyn xoogan ku yeeshay dadka danyarta ah, Wasiirka Gargaarka ayaa dhanka kale sheegtay in gudiga gurmadka fatahaadaha uu kormeer iyo qiimeyn kusoo sameyn doono deegaannada laga cabsi qabo inuu ku fataho wabiga shabeeelle.
Golaha Xukuumadda ayaa lagu hor dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Dowladda iyo Garsoorka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.