Sunday, November 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray arrimaha Amniga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray arrimaha Amniga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ahna ku-simaha Madaxweynaha Mudane Cali Gudlaawe Xuseen ayaa maanta waxa uu shir guddoomiyay kulankii todobaadlaha ee golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle, kaasoo looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga, warbixin howleedka todobaadlaha ee Wasaaradaha iyo ka doodista dhammeystirka Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo cutubkiisii labaad Todobaadkaan lagu wareejiyay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe.

Shirka Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeelle oo todobaadkiiba mar la qabo ayaa maanta goluhu ku falanqeeyeen Xaaladaha ammaanka ee deegaanada iyo degmooyinka  Hirshabeelle iyo in dhowaan la sameyn doono howlgallo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo lagu xureynayo deegaano badan.

Related posts

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026

Shirka intii uu socday waxaa warbixin howleedka todobaadka looga dhageystay qaar ka mid ah Wasiirada Hirshabeelle,waxaana la faray inay laba laabaan waajibaadka shaqo ee ay ummadda u hayaan.

Sidoo kale, kulanka Golaha Wasiirada intii u socday waxaa aad looga dooday qorshaha dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Somaliya oo cutubkiisii labaad gudiga dhammeystirka usoo gudbiyeen DG Hirshabeelle si ay usoo indha indheeyaan wixii caqabad ku ah bulshad Hirshabeelle iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meesha uga saaraan.

Ugu dambeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlada goboleedka HirShabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku booriyay wasiirada iney dardar geliyaan adeegyada muhiim aka h ee ay u hayaan Bulshada Hirshabeelle.

Previous Post

Talyaaniga oo go’doomiyey 16-milyan oo Qof, cabsi laga qabo faafitaanka Coronavirus

Next Post

Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Next Post
Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Hay'adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka oo kulan la yeeshay bahda Garsoorka ee Koonfurgalbeed “SAWIRRO”

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay Safiirka Cumaan ee Soomaaliya

November 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Gamal Maxamed Hassan, oo ay weheliyaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda,...

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In