Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Jubbaland oo degmooyin u ansixiyay Dhoobley iyo Buurdhuubo

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
June 23, 2022
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Jubbaland oo degmooyin u ansixiyay Dhoobley iyo Buurdhuubo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa maanta shir guddoomiyey kulanka golaha wasiiradda Jubbaland oo todobaadkan markiisii ugu horeysay lagu qabtay magaalada Dhoobley.

 

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Kulanka waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, xubno ka tirsan golaha wasiiradda iyo sidoo kale guddoomiyaha Degmada Dhoobley Siyaad Muxumed Xassan.

 

Ugu horeyntii Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa golaha wasiirada uga warbixiyey xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gunaanadkii doorashooyinka qabsoomay, golaha ayuu u sheegay in loo baahan yahay in la dar dargaliyo howlaha hortebinta u leh Dowladda oo ay ugu horeeyaan bixinta adeegyada bulshada, taakuleynta dadka ay abuuruhu saameeyeen iyo qodobo kale.

 

Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland mudane Yuusuf Xuseen Cusmaan Dhuumaal ayaa golaha uga warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee amniga, iyadoo dhiirigalin iyo bogaadin loo soo jeediyey ciidamada kale duwan ee Jubaland iyo kuwa Danab oo howlgalo guuleystay ka fuliyey deegaanada dhaca galbeedka Kismaayo.

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland mudane Maxamed Warsame Darwiish ayaa soo jeediyey qiimeynta degmooyin cusub iyo ansixinta labo degmo oo kala ah Buurdhuubo iyo Dhoobley kuwaas oo guddi wasiirro ah ay wadeen maalmihii lasoo dhaafay qiimeynta iyo naqshadeynta degmooyinkaas.

Golaha ayaa cod gacan taag ah ku ansixiyey in magaalooyinka Dhoobley iyo Buurdhuubo ay si buuxda u noqdaan degmooyin ka tirsan Jubbaland.

 

Ugu dambeeyntii Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Jubbaland mudane Xuseen Xirsi Axmed ayaa golaha horkeenay wajiga labaad ee xeerka dhaqan galinta miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota sanadkan 2022, iyadoo kharashka miisaaniyadda lixda bilood ee soo socota ay gaareyso US$ 42,322,030.94.

 

Previous Post

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo qabatay ololaha wacyi gelinta canshuuraha.

Next Post

Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Next Post
Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxweynaha Puntland oo guddoomiyay shirka Golaha Wasiirada

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In