Monday, January 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

 Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Naafada Qaranka

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
 Golaha Wasiirada oo ansixiyay Siyaasadda Naafada Qaranka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xubnaha golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyada oo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Siyaasadda Dowladda ee Naafada Qaranka, qorshe ku aaddan horumarinta dalxiiska oo ay soo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta iyo Dalxiiska iyo qodobo kale.

Kulanka ayaa ugu horeyntii waxaa looga dooday warbixin la xiriirta qaab siyaasadeedka Naafada Qaranka, waxaana sharaxay Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha C/wali Ibraahim Muudey, isaga oo xusay in qorshahan ay ku howlaneed Wasaaraddu in muddo ah, ayna la kaashadeen dad khubaro ah, si loo helo siyaasad dhameystiran oo ku aadan naafada Qaranka.

Related posts

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026

“Qorshahan waxaan ugu talo galnay inaan ku illaalino xaquuqda dadka Naafada ah, isla markaana loogu helo daryeelkooda, waana qorshe ay Wasaaraddu si gaar ah isaga xil saartay diyaarintiisa” ayuu yiri Wasiirka Shaqada oo ka hadlayay shirka golaha Wasiirada.

Golaha Wasiirada ayaa cod buuxa ku meel mariyay qorshahan, waxaana ra’iisul wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh oo shirka guddoominayay uu ku adkeeyey mas’uuliyiinta Wasaaradda Shaqada inay ka shaqeeyaan sidii dadka Naafada ah ay u heli lahaayeen xaquuq dhameystiran oo la mid ah mida dadka caadiga ah, sidoo kalena ay dadka Naafada ah helaan fursadaha shaqo ee hay’addaha dowladda iyo weliba shirkaddaha sida gaarka ah loo leeyahay.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir ayaa golaha Wasiirada sharaxaad dheer ka siiyay maalinta Dalxiiska caalamka oo ku beegneyd September 27.2015, isaga oo xusay in loo baahan yahay in la horumariyo siyaasada dalxiiska ee dowladda, maadaama ay dowladdaha caalamku ku xiran yihiin dhaqaalahooda dalxiiska.

11 12 21 22 112

—Dhammaad—-

Previous Post

Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo Nairobi Kula Kulmay Safiirka Dowladda Sweden Ee  Soomaaliya

Next Post

Wasiiru Dawle Xagaa: “Ma jiro dagaal dhaxmaray Ciidamada Xoogga iyo kuwa dowlad goballeeydka Jubbaland”

Next Post
Wasiiru Dawle Xagaa: “Ma jiro dagaal dhaxmaray Ciidamada Xoogga iyo kuwa dowlad goballeeydka Jubbaland”

Wasiiru Dawle Xagaa: “Ma jiro dagaal dhaxmaray Ciidamada Xoogga iyo kuwa dowlad goballeeydka Jubbaland"

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

Abaarta ka jirta dalka oo sababtay in xoolo badan ay ku la’daan

January 18, 2026
0

Xaaladda abaarta ah ee dalkeena ka jirta ayaa galaafatay xoolihii ay bulshada dhaqaneysay, waxaana tusaale kuugu filan Neefka sawirka ka...

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda XFS oo ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Maxamed Xaaji Leyloon

January 18, 2026
0

Dhammaan Masuuliyiinta iyo Howlwadeenada Wasaaradda Maaliyadda XFS waxa ay ka tacsiyadeynayaa geeridii ku timid Allaha u Naxariistee Marxuum 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐇𝐚𝐣𝐢...

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

Ra’iisul Wasaare Xamsa kulan mira-dhal ah la Odoyaasha dhaqanka

January 18, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid...

Madaxda Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ka tacsiyadeeysay geerida Marxuum Danjire Cabdinuur Yuusuf

Ministry of Foreign Affairs Extends Condolences on the Passing of Ambassador Cabdinuur Dabaqe

January 18, 2026
0

The Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia extends its deepest condolences on the...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In