Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hanaanka doorasho ee sannadka 2016

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid, iyada oo lagu ansixiyay qodobadii ka soo baxay Shirkii Hoggaamiyaasha ee Madasha Wadatashiga Qaran ee Hannaanka Doorasho sanadkan 2016.

Hoos ka Daalaco qodobada Shirka ka soo baxay;

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026

Baaqii Muqdisho ee 16kii Disembar ka soo baxay madasha wadatashiga qaranka waxaa lagu xusay in barlamaanka la soo dooranayo uu ka koobnaanado Aqalk Hoose iyo Aqalk Sare. Waxaa kaloo baaqaa lagu xusay in metelaadda xubnaha Baarlamaanka ay guud ahaan ku saleysnaan doonto isku dheellitirka deegaanada iyo beelaha.
Muddadii ka danbaysay 16kii diseembar wadahadalo iyo wadaxajood dheeraad ah ayay galeen madaxda dowlada fedaraalka iyo maamul goboleedadu, kuwaas oo socday intii u dhaxaysay 17-27 Janaayo 2016 kana qabsoomay magaaloyinka Kismaay iyo Muqdishibo.

Xumukumada Fedaraalka Somaliyeed iyadoo tixgelinaysa:

• Mabaadi’da ku xusnaa baaqi muuqdsisho
• Talooyikii ka soo baxay wadatashiyadii lala yeeshay dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada dalka
• Himilada iyo hiiigsida dadka somaliyeed oo hamuun u qaba in ay doorashadu ku qabsoonto mudadii loogu talo galay iyo weliba in anu jiri doonin mudo korodhsi loo sameeyo xukumada ama baarlamaanka
• Kulamadii wadadaxajoodka ahaa e dhexmaray madaxda soomaaliyeed ee heer federal iyo heer maamul goboleed oo suurto gelinwayey in la helo hal habdorasho o wadar ogol ah
• Wakhtiga kooban ee hadhay, xalaada guud ee amni, iyo tan siyaasadeed ee loo baahanyahay in laga gudbo

Iyadoo ka duulaysa qodobada kor ku xusan waxay xukumada Federaalka ee Soomaaliya soo bandhigtay hanaanka dorasho ee hoos ku xusan, oo ay u aragto inuu yahay habka ugu haboon ee lagu hirgelin karo doorshada 2016ka.

Raiisal Wasaaraha xukuumada ayaa taarikhtu marki ay ahayd 27/01/2016 la wadaagay goaanka dowlada madaxda maamul goboleedyada, barlaamaka somaliyeed iyo wakiilada beesha calaamka oo dhamantood soo dhawaayey goaanka dowlada.

AQALKA HOOSE EE BAARLAMAANKA:
• Tirada kuraasta baarlamaanka ee Aqalka Hoose waxay ahaanaysaa 275.
• Kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu salaynayaa nidaam ka 4.5.
• Ugu yaraan 30% kuraasta Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ayaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Codeynta iyo tirinta doorashooyinku waxay ka dhacayaan caasimadaha dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya (iyadoo qorshe gaar ah loo sameyn doono Soomaaliland).

AQALKA SARE EE BAARLAMAANKA:
• Aqalka Sare ee Baarlamaanka I waxa la dhisi doona ka hor inta anay dhicin doorashada aqalka hoose e baarlamaanka.
• Aqalka Sare ee Baarlamaanku wuxuu ka koobnaan doonaa 54 xubnood.
• 48 ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ayaa si siman loogu qaybin doonaa dowlad goboleedyada federaalka ee hadda jira iyo kuwa sameysmaya.
• Xubnaha 6da ah ee soo haray ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa si siman loogu qaybin doonaa Somaliland iyo Puntland, iyadoo la eegayo maqaamkooda iyo biseylkooda siyaasadeed iyo sida ay uga koobanyihiin tirada gobollada ugu ballaaran.
• Ugu yaraan 30% ee kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka waxaa loo qoondeyn doonaa haweenka.
• Golayaasha Baarlamaanka ee dowlad gobolwedyada hada jira iyo kuwa samaysmaya aya soo dooranaya Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka
• Hannaankan waxaa la isticmaali doonaa oo kaliya xilliga Doorashooyinka 2016ka.

Previous Post

Madaxweynaha Suudaan oo amray in dib loo furo xadka Suudaanta Koofureed

Next Post

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

Next Post
R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

R.Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ambasador C/laahi Saciid Cismaan

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Guddoomay Nuqul Ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub Turkiya ee Soomaaliya

September 30, 2026
0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Xasan Maxamed Cali (Nadaara), ayaa maanta qaabilay Safiirka cusub ee...

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Geelle oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

September 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta safar shaqo ku tagay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti...

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

Galmudug iyo Hirshabeelle oo saaka looga dareeray goobaha codbixinta

September 30, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Cabdikariin Axmed Xasan oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa furay doorashooyinka Galmudug iyo HirShabeelle oo...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In