Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
3 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay maanta  kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaarada Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Related posts

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Dalka,  Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna  goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

 

Previous Post

Danjirayaasha Soomaaliya, Imaaraatka iyo Romania ee Ethiopia oo Addis Ababa ku Kulma

Next Post

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga “SAWIRRO”

Next Post
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga “SAWIRRO”

Guddoomiyaha Hay'adda SoDMA oo qaabilay wafdi ka socday dowladda Turkiga "SAWIRRO"

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

Soomaaliya iyo Hindiya oo sii xoojinaya xiriirka Laba-Geesoodka ah ee labada dal

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(New Delhi):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta Magaalada...

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In