Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo bilaabay kulan wadatashi ah oo lagu dar-dargelinayo waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo bilaabay kulan wadatashi ah oo lagu dar-dargelinayo waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 02 May 2017 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah-furay kulan wadatashi (Retreat) labo cisho ah oo ay xubnaha Golaha Wasiirada ku dar-dargelinayaan waxqabadka Xukuumadda.

Ujeedada kulankan labada cisho ah oo ay wasiiradu ku gorfeynayaan qorshe-howlleedka xukuumada ayaa ah sidii qorsheyaasha wasaaradaha ay u noqon lahaayeen kuwo mideysan oo ka tarjumeysa barnaamijka xukuumadda. Sidoo kale ujeedada kulankan wadatashiga ah ayaa ah dhaqangelinta barnaamijyada isku xirka bulshada iyo daawladda, loogana hadli doonaa sidii loo dhaqangelin lahaa dawlad wanaag, isla xisaabtan, furfurnaan iyo u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed.

Related posts

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo daahfuray kulankan wadatashiga ah ayaa ka hadlay muhiimada wadatashiga oo uu sheegay in Wasiirada looga fadhiyo inay u adeegaan shacabka Soomaaliyeed. Ra’iisul wasaaraha ayaa yiri “Xukuumaddu waa inay horumuud ka noqotaa dardargelinta waxqabadka dowladda si loo kordhiyo kalsoonida shacabka oo muhiim u ah hirgelinta barnaamijka xukuumada. Aniga ka Ra’iisul Wasaare ahaan waxaan diyaar u ahay inaan furumaha dagaalka tago oo aan ciidanka geesiyaasha la wadaago daruufaha adag oo ay ku howlgalayaan, waxaana diyaar u ahay inaan nafteyda ku waayo oo aan u huro difaaca shacabka.”

Kulankan wadatashiga ah ee labada cisho ayaa lagu lafagurayaa arrimaha ay dowladu siisay mudnaanta sida ka hortaga abaaraha, soo celinta amniga & nabadeynta, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka musuqmaasuqa, gaarsiinta doorashooyin hal cod iyo hal qof ah, dib-u-heshiisiinta, midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo xiriirka caalamiga ah. Khubaro ku xeel dheer arrimaha mudnaanta leh ayaa jeedin doona casharo wasiirada loogu sharaxayo xaalada dalka iyo sida loo gaari karo in waxqabad dhab ah lala yimaado.

Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa laga dhageystay cabashooyin qaar kamid ah shacabka oo iyagu ku biiriniyey tallooyinkooda Xukuumadda, waxana ay soo bandhigeen caqabadooyin kala duwan oo ay la kulmeen.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ugu danbeyntii kula dardaarmay Wasiirada inay waqtigooda ka faa’iideystaan oo labadan cisho ay ku soo saaraan barnaamij dhameystiran oo ay ku mideysan-yihiin si shacabka Soomaaliyeed loogu adeego. Wasiirada ayaa laga sugayaa inay soo saaraan siyaasad cad-cad oo dalka u horseeda horumar iyo in howlaha loo igmay dowladda ay hirgeliso iyadoo laga duulayo hiraalkii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee ahaa Nabad & Nolol.

–DHAMMAAD–

Previous Post

Ra’iisul Wasaaraha oo ka qaybgalay Madal looga hadlayo Dar-dargelinta waxqabadka Xukuumadda “SAWIRRO”

Next Post

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post
Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho “SAWIRRO”

Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Macalin oo lagu aasay Muqdisho "SAWIRRO"

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo maamul cusub u magacawday degmada Waajid

March 24, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS) ayaa si rasmi ah u magacawday maamulka...

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

Tababar lagu baranaayo aqoonta beeraha oo Muqdisho ka socda

March 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS. Eng.Maxamed Xassan Cabdulle ayaa furay tababar aqoon kororsi ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In