Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay “Warbixin+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo falanqeeyay dar daarankii madaxweynaha oo maanta la kulmay “Warbixin+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu ku qeyb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku labisnaa Dareeska ciidammada Xoogga dalka, waxaana horraanta shirka  si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha ammaanka, iyo sidii loo fulin lahaa qorshaha Xukuumadda ee ku aaddan dhismaha  maamullada, xalinta khilaafyada taagan iyo istaraatiijiyadda hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya.

Shirka golaha wasiirada Soomaaliya oo aad u dheeraa markii uu dhammaaday kadib waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”, waxa uu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu laanta fulinta dowladda u jeediyey talooyin ku aaddan sidii loo dardar gelin lahaa dhammaan arrimaha muhiimka u ah dalka sida  nabadda  iyo qorshaha dhameystirka maamullada Federaalka ee dhismaya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

“Madaxweynaha iyo golaha wasiirada waxa ay wadaageen xaaladda dalka ku sugan  yahay,  madaxweynaha waxa uu golaha wasiirrada ku dhiiri geliyey dardar gelinta howlaha Xukuumadda, sida dhameystirka maamullada Federaalka ee dhismaya, xasllinta iyo xoreynta deegaannada ay nabad-diidku ku hareen, golaha wasiirrada waxa ay madaxweynuha siiyeen warbixin ka hadleysa howlaha ay wadaan” ayu yir wasiirka Warfaafinta

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiis Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay  in  golaha wasiirrada ay ka hadleen cabashooyinka kala duwan ee ka taagan arrimaha maamulka Jubaland, isagoo intaa raaciyey in Xukuumadda  guddi wasiirro ah u direyso magaalada Kismaayo, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaana golaha wasiirrada u jeediyey in ay la yimaadaan istaraatiijiyad cad oo ku aaddan Hiigsiga 2016-ka ee Soomaaliya, si dalka ay doorasho isbadel leh uga dhacdo.

“Haddii ay Sunna-waljameeca tahay, Jubbaland tahay waxaa naga go’an in Masuuliyadeenna aan qaadano, wafdi wasiirro ayaa Kismaayo loo dirayaa, waxaas oo dhan Xukuumadda, ayaa nabad ka keeneysa, arrimaha dib u heshiisiinta iyo howlaha Xukuumadda gor gortan malahan,  madaxweynaha waxa uu golaha wasiirrada u sheegay in ay la yimaadaan isbadel cad si 2016-ka ay u dhacdo doorasho”.

Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, ayaa  tilmaamay in golaha wasiirrada ay soo dhoweeyeen heshiiska wax-soosaarka ee dhexmaray  dowladaha Soomaaliya iyo Masar, dhanka kale Wasiirka ayaa sheegay in Xukuumaddu ay sharci ka soo saari doono arrimaha Biy’ada iyo Wasaq lagu daadiyo deegaanka.

Hay’adaha wax-soosaarka ee Xukuuamadda, ayaa madaxweynaha warbixin ka siiyey heshiis suuq weyn leh oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar kaas oo lagu sameynayo Beer weyn oo cilmi-baaris ku aadan wax soo saarka Soomaaliya laga ogaan doono heshiiskaas Soomaaliya wax weyn ayuu u tarayaa, Muqdisho waxaa imaan doono wafdi ganacsato Masar ka socda”.

Golaha wasiirrada ayaa qeybta dambe ee shirkooda falan-qeyn ka yeeshay talada iyo  tusaalooyinka madaxweynaha dalka, iyagoo isku raacay in arrintaasi ficil loo badelo si Soomaaliya ay u gaarto hanaanka Dimoqoraadiyeed ee horseedi kara, xasilooni, siyaasadeed iyo in waddanka ay ka qabsoomaan doorashooyin.

Golahaa1 Golahaa2 Golahaa3 Golahaa4

 

Previous Post

Aqoon kororsi loo furay haweenka ku jira Baarlamaanka Soomaaliya

Next Post

Godoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo siminaar u furay haweenka xildhibaanada ah {SAWIRRO}

Next Post
Godoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo siminaar u furay haweenka xildhibaanada ah {SAWIRRO}

Godoomiye ku xigeenka baarlamaanka oo siminaar u furay haweenka xildhibaanada ah {SAWIRRO}

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In