Tuesday, June 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada Oo Ka Shiray Xaaladaha Amniga iyo U Gurmashada Dadka Ay Abaartu Saameysay

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada Oo Ka Shiray Xaaladaha Amniga iyo U Gurmashada Dadka Ay Abaartu Saameysay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirkii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa ee Golaha Wasiirrada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho – kaasi oo looga hadlay xaaladda amniga waddanka, dadaalka gurmadka abaaraha iyo safarradii shaqo ee dhowaan uu galay Ra’iisul Wasaaraha.

Shirka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xamse Cabdi Barre ayaa waxa uu kaga warramay socdaalkii uu ku tagay magaalada Tunis ee dalka Tunisia, oo isaga wafdigiisa ay kaga qaybgaleen shirkii caalamiga ahaa ee TICAD8 – kaasi oo intii uu socday Ra’iisul Wasaaraha iyo xubnaha wafdiga ay kulamo kala duwan la yeesheen madaxdii ka qaybgalaysay shirka.

Related posts

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026
Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026

Waxaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu ka warramay safarkiisi magaalada Beledweyne oo uu sheegay inay u doorteen inay tusaale u noqoto gurmadka ay dowladdu billowday.

Dhinaca kale, Wasiirada Gaashaandhigga iyo Amniga ayaa iyaguna waxa ay xog ka bixiyeen xaaladda ammaanka ee dalka iyo dadaalka ay dowladdu wado ee lagu doonayo in lagu sugo amniga shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir arrimaha Gudaha ayaa isna ka warbixiyay xaaladda abaaraha iyo xogtii ugu dambeysay ee gurmadka loo fidinayo dadka dhibaateysan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay Wasaaradaha ay quseeyaan ajandayaashii shirka ee maanta inay si degdeg ah wax qabad la taaban karo u gaarsiiyaan shacabka.

Previous Post

Madaxweynaha Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud Ee Arrimaha Beni-aadannimada

Next Post

Ciidamada XDS Oo Miinooyin Ka Saaray Waddada Isku Xirta Matabaan iyo Beladweyne

Next Post
Ciidamada XDS Oo Miinooyin Ka Saaray Waddada Isku Xirta Matabaan iyo Beladweyne

Ciidamada XDS Oo Miinooyin Ka Saaray Waddada Isku Xirta Matabaan iyo Beladweyne

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

IGAD oo ku baaqday Ixtiraamka Madaxbannaanida iyo Midnimada Soomaaliya

June 23, 2026
0

Jabuuti – 18 Juun 2026: Xoghaynta Urur-Goboleedka IGAD (Intergovernmental Authority on Development) ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an...

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo Nairobi ka daah-furtay kulanka Kooxda Farsamada ee Xargaha Badda Hoose Mara

June 22, 2026
0

Nairobi, Kenya – 22 Juun 2026 – Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ), iyadoo kaashanaysa Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC), ayaa maanta...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo booqday Tiyaatarka Qaranka

June 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ku guda jira dardargelinta howlaha diyaarinta maalmaha Xorriyadda,...

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan oo baritaano caafimaad oo lacag la’aah u sameeyay shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta

June 22, 2026
0

Dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Ixsaan ee Muqdisho ayaa maanta Howladeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee XFS u sameeyay baaritaan caafimaad oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In