Friday, January 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo ka doodaya qorshaha Xukuumadda ee 100-ka Maalmood “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho, 15, Marso, 2015…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke, ayaa maanta furay kulan ay isugu yimaadeen golaha Wasiirada kaas oo socon doona mudo laba maalin ah, waxaana looga hadlayaa qorshaha mudnaanta koowaad u leh xukuumadda ee 100-ka maalmood soo socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in u jeedka laga leeyahay kulankaan ay tahay dar-dar galinta iyo isku xirka howlaha xukuumadda iyo in la xaqiijiyo adeegyada ay xukuumadu gaarsiinayso shacabka kuwooda ugu muhiimsan, sida nabada ku soo dabaalida dalka, dib u heshiisiinta, adeegyada asaasiga u ah bulshada, dhamaystirka maamul-u-samaynta gobollada iyo kobcinta dhaqaalaha.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026

“Kulankaan ay isugu yimaadeen golaha wasiiradda waa mid soconaya laba maalmood, waxaana laysla meel dhigayaa dar-dar galinta howlaha xukuumadda, waxaana wasiiradu ka doodayaan waajibaadkii ay ku shaqayn lahaayeen 100-ka maalmood ee soosocda, waxaana dajinaynaa qorshe lagu qiimaynayo wax qabadkooda, taas oo cadayn u ah inuu jiro isla xisaabtan aan ku wargalinayno shacabka hadba meesha wax marayaan”

“Hadafkeenu waa inaan gaarno xasillooni siyaasadeed iyadoo aan u marayno tanaasul, is af garad iyo ka hortag inuu abuurmo khilaaf. Qorshaha boqolka maalmood waa inaan horseedno sidii aan u asaasi lahayn madal wadatashi ku dhisan oo isku keenta dhamaan qaybaha kala duwan ee bulashada, arintaan waxaa kaalin buuxda ka qaadanaya sidii laysugu duba ridi lahaa guddi golaha wasiirada ah”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu garwaaqsan yahay iney jiraan caqabado dhanka dhaqaalaha iyo duruufo adag oo lagu shaqaynayo, isla markaan ay xukuumadda ka go’an tahay wax qabad iyo in laga soo baxo fulinta qorshaha boqolka maalmood, una soo gudbino shacabka wax qabad la taaban karo.

Ugu danbayntii Ra’iusl Wasaaraha ayaa xusay in howlaha ugu waaweyn ee lagu gaari karo xaqiijinta higsiga cusub ay ugu horeeyaan adkaynta amniga, dhamaystirka dowlad goboleedyada, dib u eegis lagu sameeyo dastuurka, iyo dhisida gudiyada ay baarlamaanku ansixyeen sida gudiga doorashooyinka.

—-DHAMAAD—-
1

2

4

unnamed (1)

unnamed (2)

unnamed

Previous Post

Ku simaha Madaxweynaha dalka oo kulan la yeeshay wefdi ka socda Qaramada Midoobay”SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Qatar uga qeybgalay qalin jebinta ciidanka Isku dhafka ah

January 22, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho shaqo ku jooga dalka Qatar, ayaa maanta ka qeybgalay...

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka XFS oo gaaray Laascaanood

January 22, 2026
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hussein Ali Haji, ayaa maanta ka degay...

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

Guddoonka Labada Aqal ee BJFS oo xog laga siiyay hannaaka dib u eegista Dastuurka

January 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad...

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐮-𝐃𝐮𝐰𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐛𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 M𝐨𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 l𝐮𝐠𝐮 s𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐚y

January 22, 2026
0

Waxaa Magaaladda Moqdisho lugu soo xiray Shirka Guddiga Qaran ee Isku-Duwidda Maareynta Abaaraha, oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In