Friday, September 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Akhriso+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadda iyo Roobabka “Akhriso+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna ku simaha R/wasaaraha Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo kulankan looga hadlayay qodobo ay ka mid ahaayeen Xeer Nidaamiyaha Maamulka lacagta ee Ciidanka Xoogga dalka, warbixin la xiriirta Fatahaadaha iyo roobabka β€œEL Γ‘INO”.

Ugu horeynta golaha ayaa waxa ay ka hadleen Fatahaadaha iyo Qataraha ay keeni karto β€œEL Γ‘INO”, waxaana kulanka golaha sharaxaad ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa), waxa uuna xusay in Fatahaadani ay saameyn ku yeelan doonto qeybo badan oo dalka ka mid ah, sida dhulka ay maraan webiyada Shabelle iyo Jubba, gaar ahaana gobolada Sh/dhexe, Sh/hoose, Gedo, J/dhexe iyo J/hoose.

Golaha Wasiirada ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in la dhiso guddi heer Wasiir ah, kaasoo howshiisu noqon doonto xiriirinta dowladda Federaalka, maamul goboleedyada iyo hay’addaha caalamiga ah, waxaana Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar uu xusay in arrintani ay tahay musiibo ku soo wajahan dalka, loona baahan yahay inay xil iska saaraan dhamaamba qeybaha kala duwan ee dadka Soomaaliyeed, gudaha iyo dibedda, ayna gacan xukuumada gacan ku siiyaan sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan kara.

β€œWaxa ay mareysaa Yaa maali jirayeey, dhibaatada soo fooleh waa mid baaxad weyn, waxaana ugu baaqayaa dhamaamba dadka Soomaaliyeed ee wax heysta, hay’addaha gargaarku inay u diyaar garoobaan badbaadinta dadka iyo duunyadaba” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh, isaga oo si gaar ahna u xusay in cid kasta oo gargaar u fidineysa dadkaasi, loo baahan yahay inay la kaashadaan guddigan si loo helo taakuleyn muuqata.

Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/qaadir Sh. Cali Diini ayaa golaha Wasiirada u soo gudbiyay Xeer Nidaamiyaha Maamulka Lacagta ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Iyadoo lagama maarmaan ay noqotay in dib u habeyn lagu sameeyo qaabka loo maamulo miisaaniyadda loo qoondeeyo ciidanka X.D.S, ayaa Wasiirka Gaashiggu soo gudbiyay Qabyo qoraalka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta ee C.X.D.S, waxaana sharaxaad ka bixiyay taliyaha C.X.D.S. S/G Maxamed Aadan Axmad, isaga oo sheegay in Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta la sameeyey April 12, 1960-kii, iyada oo dib u habeyn lagu sameeyey mar labaad 1977-dii, waxana uu xusay in hadii la dhaqangeliyo Nidaamkani uu yahay mid hufan oo horseedi kara isbedel iyo la xisaabtan dhab ah.

Golaha Wasiirada ayaa loo qeybiyay nuqulka Xeer Nidaamiyaha maamulka lacagta, waxaana dib looga doodi doonaa kulanka dambe ee golaha Wasiirada, si go’aan looga gaaro.

unnamed (4)

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Shir-weynihii looga hadlayay isbedelka cimilada iyo masiibooyinka oo lagu soo geba gebeeyay Muqdisho “Sawirro”

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga qaadi jiray Ganacsatada

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda oo joojisay canshuurtii 20-ka doolar ahayd ee laga qaadi jiray Ganacsatada

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

SoDMA & WFP oo kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo u diyaar garowga Musiibooyinka

September 24, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyo Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) Soomaaliya,...

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

π‘―π’π’ˆπ’ˆπ’‚π’‚π’π’Œπ’‚ π‘Ώπ’Šπ’”π’ƒπ’Šπ’ˆπ’‚ π‘Έπ’Šπ’Šπ’Žπ’ 𝑸𝒂𝒓𝒂𝒏 𝒐𝒐 π’Œπ’– π’…π’‰π’‚π’˜π’‚π’‚π’’π’‚π’š π‘»π’‚π’‚π’ˆπ’†π’†π’“π’‚π’…π’‚ 𝑴𝒖𝒔𝒉𝒂𝒓𝒓𝒂𝒙 π‘³π’Šπ’Šπ’ƒπ’‚π’‚π’ π‘¨π’™π’Žπ’†π’… 𝑿𝒂𝒔𝒂𝒏 π’Šπ’šπ’ 𝑱𝑺𝑷

September 24, 2026
0

Hoggaanka sare ee Xisbiga Qiimo Qaran ayaa si rasmi ah u shaaciyey go’aankiisa ku aaddan doorashada ku-celiska ah ee Galmudug,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN DOCEED LA QAATAY DHAXAL-SUGAHA KUWAIT

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan doceed barbar socday meertada 81-aad ee shir madaxeedka Golaha Guud...

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

Madaxweynaha JFS oo kulan miro-dhal ah la qaatay Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka

September 23, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York, kulan doceed miro-dhal ah kula yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

Β© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In