Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirada oo yeeshay kulankoodii joogtada ahaa Kana Hadlay Naafada,Amniga iyo Arrimo Kale

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirada oo yeeshay kulankoodii joogtada ahaa Kana Hadlay Naafada,Amniga iyo Arrimo Kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Muqdisho, September 17, 2015—–Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeen Mudane Maxamed Cumar Carteh, iyadoo looga hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen Amniga, shirkii maalgashiga Soomaaliya ee ka dhacay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta iyo dejinta sharciga naafada Qaranka.

Ugu horeyntii golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Amniga gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed kaasoo ku aadanaa horumarada amniga iyo howlgalada ka socda qeybo ka mid ah gobolada iyo degmooyinka dalka, isaga oo tilmaamay in ciidanka Qaranku ay guulo ka gaareen howlgaladii ugu dambeeyey ee ay ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Bay, halkaasoo laga saaray unugyo ka tirsan kooxaha nabad diidka ah oo ku sugnaa.

Wasiirka Isgaarsiinta Guuleed Xuseen Qaasim ayaa Golaha Wasiirada warbixin dheer ka siiyay shirkii Maalgashiga ee ka dhacay dalka isutaga Imaaraadka Carabta shirkaasoo lagu gorfeeyey fursadaha maalgashiga ee dalka Soomaaliya iyo dhinacyada ugu muhiimsan ee haatan laga taageeri karo, waxaana uu xusay in dhinacyada Beeraha, Xoolaha, Isgaarsiinta iyo kheyraadka dabiiciga ah ay ahaayeen qodobada sida weyn looga dooday.

“Waxaan u sheegnay in Soomaaliya aysan u baahneyn oo kaliya kaalmo dhaqaale, balse ay u baahantahay maalgashi iyo in shaqo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed, si loo helo xasilooni dhaqaale, mid siyaasadeed iyo mid amni” ayuu yiri Wasiirka Isgaarsiinta Mudane Guuleed oo ka hadlayay kulanka golaha Wasiirada.

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday Siyaasada Naafada Qaranka iyo sidii loo heli lahaa sharci dhameystiran oo lagu dabaqo dadka naafada ah, si ay u helaan xaquuqdooda iyo daryeelkooda, waxaana sharcigan soo diyaariyay Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada, iyadoo golaha Wasiiradu ay xuseen in muhiimad gaar ah ay leedahay in la helo sharcigan, waxaana dood dheer kadib ay goluhu dib ugu dhigeen kulankooda dambe.

—-Dhamaad—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

IMG 5642
IMG 5677
IMG 5674
Previous Post

Hey’adaha Hoostaga Ururada Bulshada Rayidka Ah Oo Hogaan Doortay “Sawirro”

Next Post

Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Ceel Cali Ee Gobolka Hiiraan Kala Hadlay Dowladnimada Iyo La Dagaalanka UGUS

Next Post
Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Ceel Cali Ee Gobolka Hiiraan Kala Hadlay Dowladnimada Iyo La Dagaalanka UGUS

Xildhibaanno Iyo Siyaasiyiin Dadka Ku Dhaqan Deegaanka Ceel Cali Ee Gobolka Hiiraan Kala Hadlay Dowladnimada Iyo La Dagaalanka UGUS

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In