Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo toddobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.
Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Puntland.
Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Puntland wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, isagoo faray Hay’addaha Puntland dhammaan in lasii dar-dargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahanyihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.