Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiiradda oo ansixiyay heshiisyadii lala soo galay Turkiga intii u dhexeysay 2013-2018-(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiiradda oo ansixiyay heshiisyadii lala soo galay Turkiga intii u dhexeysay 2013-2018-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku tagay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wada hadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa,wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.

1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA

2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya,  Mudane Maxamed Abuukar  Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in  lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo  wali Bishii Sedaxaad ay socoto.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo  dastuurka u yaalla Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.

 

Previous Post

Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

Next Post

Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Next Post
Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In