Friday, November 7, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiiradda oo ansixiyay heshiisyadii lala soo galay Turkiga intii u dhexeysay 2013-2018-(Sawirro)

admin by admin
8 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiiradda oo ansixiyay heshiisyadii lala soo galay Turkiga intii u dhexeysay 2013-2018-(Sawirro)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Soomaaliya oo uu guddoominayay Ra’iisulwasaaraha Dalka Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta lagu ansixiyay heshiisyo dhawaan lala soo galay Dowladda Turkiga, iyadoo sidoo kale looga hadlay hannaanka caddaalada, amniga, dhaqaalaha iyo doorashooyinka 2020-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxa uu golaha uga war bixiyay Safarkii uu ku tagay Dalka Hindiya, isagoo sheegay in Madaxweynaha Dalka Hindiya ay ka wada hadleen xariirka Labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa,wuxuuna intaa raaciyay in ay Dowladda Hindiya oggolaatay in Fiisaha Dalkaasi lagu gelayo lacag la’aan looga dhigo Soomaalida.

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Shirka golaha wasiirrada ayaa intii uu socday waxaa la ansixiyay 14 heshiis iyo Is Af-garadyo ah oo Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ay kala saxiixdeen intii u dhexeysay 2013-2018, iyadoo ay 26-ka wasaaradood ee kulanka kasoo qayb galay ay ku ansixiyeen cod gacan taag ah, waxaana ka mid ahaa.

1) Heshiiska ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaalahA

2) Heshiiska iskaashiga gaadiidka Badda

3) Heshiiska Iskaashiga Maalgashiga

4) Heshiiska Iskaashiga Isbitaalka Ordugan

5) Heshiiska Iskaashiga Biyaha

6) Heshiiska Iskaashiga Canshuuraha

7) Heshiiska Iskaashiga Tamarta

8) Heshiiska Iskaashiga Caafimaadka Bulshada

9) Is-afgaradka Waxbarashada Sare

10) Is-Afgaradka wax soosaarka Beeraha

11) Is-afgaradka Kalluumeysiga

12) Is-Af-garadka Caafimaadka Xoolaha

13) Is-Afgaradka Guud ee abuuridda Guddiga iskaashiga Dhaqaalaha

14) Isfahamka Is-Afgaradka dhaqanka

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya,  Mudane Maxamed Abuukar  Isloow (Ducaale), oo golaha warbixin siiyay ayaa sheegay in Ciidanka xoogga Dalka oo kaashanaya ciidamana Nabad ilaalinta ee AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen kooxaha nabadiidka.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadda Federalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa uu shirka golaha wasiirada ka sheegay in meel wanaagsan ay marayaan tirakoobka iyo Tayeynta Ciidamada Qalabka sida.

Wasiirka ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay Ciidamo dhawaan loo soo xiray tababar, kuwaas oo uu sheegay in ay qeyb ka qaadanayaan dedaallada Dalka looga xoreynayo kooxaha Xajgiriinta ah,wuxuuna intaa raaciyay in 200 oo Askari ay ku quudiyeen Lacag dhan $200, iyaga oo u sameeyay Cuntada Dalkeenna ka baxda si looga maarmo cunna dibedda laga keeno oo qarash badan uu ku baxo.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa waxa uu ka hadlay halka ay marayaan dedaallada Kobcinta dhaqaalaha heerkeeda 2-aad (SMP2) wuxuuna sheegay in bixinta mushaaraadka shaqaalaha iyo ciidanka Dowladda ay si habsami leh ku socoto.

Mudane; Bayle waxa kale oo uu sheegay in dakhliga Sadexda Bilood ee ugu horeysa oo beesha caalamka ay ka sugeysay in  lasoo xareeyo $41 Milyan in illaa hadda ay soo xarootay $32 Milyan iyada oo  wali Bishii Sedaxaad ay socoto.

Wasiirka waxaa kale oo uu sheegay in Beesha caalamka ay oggolaatay in lasoo sameeyo lana daabaco Lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.

Shirka intii uu socday waxaa looga hadlay hannaanka doorashooyinka 2020-ka iyo hannaanka sameynta xisbiyada badan, waxaanu golohu isku raacay in la dardar geliyo iyada oo lagu saleynayo  dastuurka u yaalla Dalka.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federlka Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxa uu isna golaha kahor sheegay in ay meel wanaagsan marayaan qorshaha horumarinta caddaaladda Dalka, waxana golohu isla gartay in dib u eegis lagu sameeyo hanaanka cadaaladda Dalka.

 

Previous Post

Madaxweyne Xaaf oo casuumay qaar ka mid ah Dhallinyaradii laga soo daayay Xabsiyada Caalamka

Next Post

Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Next Post
Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Qarax Dad Shacab ay ku dhinteen oo ka dhacay Wadada Maka-Almukarama

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In