Tuesday, September 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka Caafimaadka ee labada dal.

Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadiidka iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen cadowgu laga hortagay, isagoo xusay dhinaca kale in deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Maleeshiyaad ka wada tirsan nabadiidka oo kala taabacsan fikradaha dhiig daadinta ku saleysan ee ururada Daacish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Maleeshiyaad badan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dood ka yeeshay xaaladdaha ka taagan soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya gaar ahaan degmada Beled-xawo. Waxaana R.Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh uu sheegay in walaaca ay ka qabaan arrintaas ay kala hadleen Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya si uu ugu gudbiyo hogaanka dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor keentay heshiis u dhexeeya Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer kadib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sinaan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada dal.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii maanta warbixino uga dhagaystey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyagoo sheegay in ay muuqato saadaashii la filayay ee roobabkii dabalaylaha watay iyo fatahaaddii wabiyada. Wasiiradda ayaana xustay in deegaano ka mid ah Gedo, Jubbooyinka iyo Hiiraan laga dareemayo xaalado u muuqda in wabigu soo fatahayo.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radiyo Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay "Sawirro"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In