Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Caafimaadka ee Soomaaliya iyo Turkiga “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiriida ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana kulankan shir guddoominayay ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Maxamed Cumar Carte, waxaana lagu ansixiyay heshiis u dhexeeya Dawladda Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan iskaashi dhanka Caafimaadka ee labada dal.

Ugu horeyn Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga, kuwaas oo ka warbixiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan dagaalka lagula jiro kooxaha Nabadiidka iyo dilal qorshaysan oo ay ka fuliyeen asbuucii la soo dhaafay magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in 24-kii saac ee la soo dhaafay weeraro ay qorshaynayeen cadowgu laga hortagay, isagoo xusay dhinaca kale in deegaano dhowr ah oo ku yaala Koonfurta iyo Bariga Soomaaliya in ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey Maleeshiyaad ka wada tirsan nabadiidka oo kala taabacsan fikradaha dhiig daadinta ku saleysan ee ururada Daacish iyo Al Qaacida halkaas oo ay isaga dileen saraakiil iyo Maleeshiyaad badan.

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale dood ka yeeshay xaaladdaha ka taagan soohdinta ay Soomaaliya la wadaagto dalka Kenya gaar ahaan degmada Beled-xawo. Waxaana R.Wasaare ku xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carteh uu sheegay in walaaca ay ka qabaan arrintaas ay kala hadleen Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya si uu ugu gudbiyo hogaanka dalka Kenya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Marwo Xaawo Xasan Maxamed ayaa Golaha Wasiirada hor keentay heshiis u dhexeeya Dawladda F. Soomaaliya iyo Dawladda Turkiga oo ku saabsan wadashaqeynta dhanka Caafimaadka. Iyadoo dood dheer kadib Goluhu meel mariyey heshiiskaas.

Heshiiskan labada geesoodka ah ayaa xoojin doonaa kaabayaasha Caafimaadka Soomaaliya, iyadoo lagu salaynayo sinaan iyo isdhaafsi kaalmo, waafaqsana faa’iidada labada dhinac iyo shuruucda labada dal.

Ugu danbeyn, Golaha Wasiirada ayaa shirkoodii maanta warbixino uga dhagaystey Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, iyagoo sheegay in ay muuqato saadaashii la filayay ee roobabkii dabalaylaha watay iyo fatahaaddii wabiyada. Wasiiradda ayaana xustay in deegaano ka mid ah Gedo, Jubbooyinka iyo Hiiraan laga dareemayo xaalado u muuqda in wabigu soo fatahayo.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed

Previous Post

Dhageyso warka duhur ee Radiyo Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay “Sawirro”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay "Sawirro"

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In