Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada oo ansixiyay shrciga dhismaha ciidanka Badda

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kulankoodii caadiga ahaa maanta ku yeeshay Muqdisho ayaa ansixiyay sharciga dib u habeeynta iyo dhismaha ciidanka Badda iyo difaaca xeebaha dalkeena.

Afhayeenka xukuumadda C/salaan Caato ayaa warbaahinta u sheegay in golaha wasiirrada ay maanta ansixiyeen sharciga dhismaha ciidanka Badda, kaasoo uu tilmaamay in ay soo diyaarisay wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Wuxuu intaasi ku daray Afhayeenku in sharcigan uu kulanka golaha wasiirrada soo hordhigay wasiirka Gaashaandhigga Jeneraal c/qaadir Sheekh Cali Diini kaddibna uu goluhu meel mariyay sharcigaasi.

Afhayeenka ayaa xusay in sharcigan ay soo diyaariyeen qubaro aqoon durugsan u leh dhismaha ciidamada Badda, isagoo hoosta ka xariiqay in dhismaha ciidamada Badda uu faa’iidooyin badan u leeyahay ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa tibaaxay in wax qabadka ciidamada Badda ay ka mid tahay ka hortagga wasaqda iyo suntan lagu shubo baddeena, iyo ilaalinta iyo difaaca guud ahaan baddeena Soomaaliya.

Golaha wasiirrada  ayaa sidoo kale ka dooday kaddibna meel mariyay sharciga tariifada canshuuraha Berriga,  kaasoo ay dhawaan golaha usoo gudbisay wasaaradda Maaliyadda sida uu sheegay Afhayeenka xukuumadda C/salaan caato.

Shirka golaha wasiirrada ee maanta waxaa shir guddoomiyay R/wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cumar Carte.

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Shir looga hadlayay wada shaqaynta Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada oo maanta Muqdisho ka dhacay”Sawrro”

Next Post
Shir looga hadlayay wada shaqaynta Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada oo maanta Muqdisho ka dhacay”Sawrro”

Shir looga hadlayay wada shaqaynta Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Ee Soomaaliya iyo kuwa Maamul goboleedyada oo maanta Muqdisho ka dhacay"Sawrro"

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In