Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey heshiis ay Soomaaliya la gashay Imaaraadka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirrada XFS oo shir aan caadi aheyn ku ansixiyey laba sharci iyo hal heshiis
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada XFS ayaa caawa ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo muhiim u ah dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen dowladda Soomaaliya iyo dowladda Imaraadka Carabta.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban soo saaray markii ay goluhu ansixiyeen heshiiskaan, isagoo sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

“Anagoo ka duulayna xoojinta iskaashiga ciidamada, amniga iyo howlgallada ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, ururada iyo khataraha argagixisada ayaa maanta golaha wasiiradu ansixiyeen heshiiska amniga ee dowladda Imaaraadka iyo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraalka uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa intaas ku sii daray, “Heshiiskan ayaa Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howlgallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena Amniga. Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.”

Previous Post

Booliska oo caawa Muqdisho ku toogtay nin ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab

Next Post

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirrada cusub ee seddax dal

Next Post
Sawirro: Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirrada cusub ee seddax dal

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay safiirrada cusub ee seddax dal

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In