Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirrada oo maanta ansixiyay guddiyada Doorashada Qaranka, Xuduudaha iyo Federaalka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Ifraax Macallin Axmed oo lagu taageeray Billadda xuquuqda Haweenka oo ay u taagantahay”sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee maanta waxaa shir guddoominayey R/wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxaana looga dooday guddiyo ay soo gudbiyeen wasaaradaha kala ah Cadaaladda iyo Arrimaha iyo Federaalka, kuwaas oo dood dheer kadib la ansixiyey.

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir), ayaa shir jaraa’id  oo uu ku qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu ka akhiryey, magacyada guddiga adeegga Garsoorka ee ay golaha wasiirrada cod akhlabiyad leh ku ansixiyeen.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

“Golaha dhammaan wuu isku raacay, cidna ma diidin cidana kama aamusin, haddii aan idiin akhriyo magacyada  guddiga adeegga Garsoorka, waxaa ugu horeeyey.

Caydiid Cabdullaahi Ilka-xanaf, Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee dalka, Dr Axmed Cali Daahir Xeer-ilaaliyaha Qaranka, Abuukaate Maryan Xaaji Cilmi Ibraahim, ururka Garyaqaannada Soomaaliyeed, Shariif Sheekh Unnaa Mayee, Bulshada Rayidka  Abuukaate Prof” Ciise Axmed Warsame, ururka garyaqaannada Soomaaliyeed, Axmed Cabdullaahi Xuseen Bulshada Rayidka iyo Sheekh Cismaan Ibraahim Axmed oo isagana Bulshada Rayidka ah todobaad xubnood ayaa maanta la ansixiyey” ayuu yiri wasiirka Cadaaladda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa isagana ka hadlay guddiyada kala ah Doorashooyinka Qaranka iyo Xudduudaha iyo Federaalka , waxaana magacyada guddiga Doorashooyinka Qaranka akhrinaya wasiirka Arrimaha Guduha Soomaaliya.

“Waxaa suuragashay in golaha wasiirrada isku raaco, sagaal qofood ee guddiga Xuduudaha iyo Sagaalka qofoodka ee guddiga Doorashooyinka, waxaan rabaa inaa halkaan ka akhriyo magacyada guddiga doorashooyinka, 1-Saciid Xaashi Warsame 2- Maxamed Xasan Taani 3-Xuseen Cabdi Aadan 4-Saciid Cali Sheekh Maxamed 5-Maxamed Axmed Nuur 6-Caraxmaan Cusmaan Dirir 7-Maxamed Daahir Maxamuud 8-Xaliimo Ismaaciil Cali 9-Khadiijo Cosoble Cali, Sagaalkaan xubnood waa guddiga doorashooyinka oo sida ugu dhaqsiyaha badan Barlamaanka loo horgeyn doono” ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha Somaaliya.

Dhan kale Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa akhriyey magacyada sagaalka xubnood ee guddiga Xudduudaha iyo Federaalka ee ay golaha wasiirrada Soomaaliya Ansixiyeen, waxa uu intaa raaciyey in magacaabidda  guddiyadan dhammaantood lagu saleeyey nidaamka awoodka qeybiosaga Soomaalida ee safar dhibic shan.

Guddiga Xudduudaha oo isaga loo asteeyey in ay ka shaqeeyaan Guddigaas, 1-Muuse Garad Cabdullaahi 2-Liibaan Cali Sahal 3- Maxamed Muxuddiin Sheekh Mursal 4-Dr Cabullaahi Gacal Cabdi 5-Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim 6-Saciido Xasan Cusmaan 7-Xuseen Xaashi Xasan 8-Cabdi Khaaliq Cabdullaahi Xamsa 9-Khaliif C/kariim Maxamed, dadkaasi aad arkeysaan ee 18-ka qofood ah, dhammaantood waxaa lagu saleeyey nidaamka awood qeybisaga ee 4.5, wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Guddiga la shaqeynayey waxa ay guddiga soo mariyeen nidaam dheer, Barlamaanka waxaan ka codsaneynaa in ay Kalsoonid siiyaan guddiyadan.

Guddiyadan saddex ah ee kala ah doorashooyinka Qaranka, Adeegga Garsoorka, iyo Xudduudaha iyo Federaalka waa guddiga Destuuri ah, kuwaas oo dalka gaarsiinaya nidaam Cadaalad maamul dhisan oo suuban iyo doorashooyin Dimoqoraaddi ah xor ah in ay ka dhacaan dalka sanadka 2016-ka inkastoo ay magcaabistooda qaadatay waqti ka badan sidii loogu  talagalay ee Destuurka ku qoran.

 

 

Previous Post

Guddoomiye “Muungaab” oo kormeeray ololaha nadaafadeed ee ka socda degmada Yaaqshiid

Next Post

Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Next Post
Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Su’aal ma u qabtaa madaxweynaha Soomaaliya?

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In