Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo socday wax ka bdan toban saacadood, ayaa waxaa shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Destuurka Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, iyadoo shirka diirradda lagu saaray arrimaha ciidammada  tayeentooda, xaquuqdooda iyo dardargelinta amniga xasilinta dalka Soomaaliya, waxaana loogu yeeray shirka golaha taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Furitaanka Shirka, ayaa la dhageystay warbixinnada ammaanka ee ka yimid, wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, Soomaaliya, kuwaas oo la xiirray sida ay u socdaan diyaarinta howlaha sugidda iyo xasilinta ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Taliyaha hey’adda NISA, abaanbuulaha ciidamamda ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo taliye ku xigeenka Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa shirka keenay war-bixinno loo diray oo ku saabsan, habka wada shaqeynta ciidamada Qaranka, baahinda iyo xoojinta taakuleyta ay u baahan yihiin, waana arrinta  qaadatay doodda ugu dheer ee shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijooyin wax ku awl ah ka soo baxdey doodda arrimaha ammaanka iyo ciidammada quseeyey ee golaha wasiirrada Soomaaliya ay yeesheen.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka  Shaqaalaha Ajaanibta ah, kaas oo xadeynaya xaquuqda ay dalka ku yeeliyiin iyo kuwa lagu leeyahay shaqaalaha Ajaanibt, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan Hindeysehaasina uu yahay in shaqaale Ajaanib ah uusan qabin Karin shaqooyinka ugu muhiimsan dalka.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa weli ku gudaha jira ka doodista Hinde-sharciyeedyo badan oo ku aaddan arrimaha ugu muhiimsan hiigsiga Soomaaliya ee la xiriira gaarista ujeedooyinka dimoqoraadiyadeed ee doorashinka Soomaaliya 20156-ka, sida xasilinta iyo xoreynta deegaannada ay nabad-diidku  haraadiga ku yihiin iyo soo nooleynta dowlad wanaagga Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Shir looga hadlayo xuquuqul Insaanka Afrika oo lagu soo bandhigay tacaddiyada Soomaaliya “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In