Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golaha wasiirada oo ansixyey hindise sharciyeedka qeexaya qorista shaqaalaha shisheeyaha ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo socday wax ka bdan toban saacadood, ayaa waxaa shir guddoominayey ku simaha Ra’iisul wasaaraha ahna wasiirka Destuurka Soomaaliya, Mudane Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, iyadoo shirka diirradda lagu saaray arrimaha ciidammada  tayeentooda, xaquuqdooda iyo dardargelinta amniga xasilinta dalka Soomaaliya, waxaana loogu yeeray shirka golaha taliyeyaasha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Furitaanka Shirka, ayaa la dhageystay warbixinnada ammaanka ee ka yimid, wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, Soomaaliya, kuwaas oo la xiirray sida ay u socdaan diyaarinta howlaha sugidda iyo xasilinta ammaanka Qaranka Soomaaliya.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Taliyaha hey’adda NISA, abaanbuulaha ciidamamda ahna taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, iyo taliye ku xigeenka Ciidammada Booliska Soomaaliyeed, ayaa shirka keenay war-bixinno loo diray oo ku saabsan, habka wada shaqeynta ciidamada Qaranka, baahinda iyo xoojinta taakuleyta ay u baahan yihiin, waana arrinta  qaadatay doodda ugu dheer ee shirka golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in natiijooyin wax ku awl ah ka soo baxdey doodda arrimaha ammaanka iyo ciidammada quseeyey ee golaha wasiirrada Soomaaliya ay yeesheen.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa meel-mariyey Hindise-sharciyeedka  Shaqaalaha Ajaanibta ah, kaas oo xadeynaya xaquuqda ay dalka ku yeeliyiin iyo kuwa lagu leeyahay shaqaalaha Ajaanibt, iyadoo waxyaabaha ugu muhiimsan Hindeysehaasina uu yahay in shaqaale Ajaanib ah uusan qabin Karin shaqooyinka ugu muhiimsan dalka.

Golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa weli ku gudaha jira ka doodista Hinde-sharciyeedyo badan oo ku aaddan arrimaha ugu muhiimsan hiigsiga Soomaaliya ee la xiriira gaarista ujeedooyinka dimoqoraadiyadeed ee doorashinka Soomaaliya 20156-ka, sida xasilinta iyo xoreynta deegaannada ay nabad-diidku  haraadiga ku yihiin iyo soo nooleynta dowlad wanaagga Soomaaliya.

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed

Previous Post

Shir looga hadlayo xuquuqul Insaanka Afrika oo lagu soo bandhigay tacaddiyada Soomaaliya “Sawirro”

Next Post

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso warka duhur ee Radio Muqdisho

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In