Monday, March 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Istaraatiijiyadda La Dagaallanka Musuqmaasuqa Ee 2020-2023

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Istaraatiijiyadda La Dagaallanka Musuqmaasuqa Ee 2020-2023
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan ay maanta ku yeesheen aaladaha la iska arko, waxay ku meel mariyeen istaraatiijiyadda la dagaallanka musuqmaasuqa ee 2020-2023 iyo heshiisyada caalamiga ah ee la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir guddoominaya qeybta hore ee shirka Golaha Wasiirada

Wasiirka caddaaladda ayaa golaha uga mahadceliyay ansixinta istaraatiijiyadda iyo heshiisyada caalamiga ah ee qaybta ka qaadanaya dadaallada lagula dagaalayo musuqmaasuqa, sidoo kalana sare loogu qaadayo isla xisaabtanka iyo daah furnaanta si loo ilaaliyo amaanada ummadda.

Related posts

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre ayaa guddoomiyay shirka qeybtisii hore oo sidoo kale looga hadlay xaaladda COVID19, fulinta heshiiska IMF iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhamaan Wasiirrada faray in la dardar geliyo fulinta qorshayaasha Wasaaradaha si loogu guuleysto dadaallada lagu xaqiijinayo himilooyinka Ummadda Soomaaliyeed.

Shirka oo qeybtiisa dambe uu Guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa sidoo kale looga hadlay dedejinta fulinta mashaariicda horumarineed ee qaybta ka qaadanaya horumarinta nolosha bulshada iyo dib u soo kabashada dalka.

Nasra Bashir Ali

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka Dalka Oo Diiwaan Gelisay Xaalado Cusub Oo COVID-19 Ah

Next Post

Madaxweye Farmaajo oo fogaan arag uga qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka oo ay martigelisay UK

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay shir deg-deg ah oo ay yeesheen Madaxda dalalka IGAD “SAWIRRO”

Madaxweye Farmaajo oo fogaan arag uga qeyb galay shirka Tallaalka Adduunka oo ay martigelisay UK

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn ah ayaa gaaray magaalada Baydhabo, ka dib markii ay waddada dheer...

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

Geneva: Soomaaliya oo Ka Qaybgalaysa Shir Caalami ah oo Looga Hadlayo Tahriibka

March 30, 2026
0

Wafdiga ka socda Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, oo ay hoggaamineyso Guddoomiyaha Guddiga Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa...

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgalo culus Ka sameeyay Deegaano dhaca Shabellaha hoose

March 30, 2026
0

Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 203 Guutada 20aad Qeybta 1aad Kumaan Dooska GorGor ayaa howlgalo Amni Xaqiijin iyo sifeyn...

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

Wasiirka Dekadaha XFS oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali Ship Register Limited

March 29, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta heshiis Is-afgarad la saxiixday Agaasimaha Shirkadda Somali...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In