Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagallanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
September 7, 2020
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada Oo Meel Mariyay Xubnaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee La-dagallanka Musuq-maasuqa “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen sagaal (9) xubnood oo Wasaaradda Caddaaladdu ay u soo xushay inay kamid noqdaan Guddiga madaxa bannaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa.

Qodobka 111aad ee Dastuurka ku-meel gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa tilmaamaya dhisidda 9-ka xubnood ee Guddiga madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa oo laf-dhabar u ah howlaha baarista musuq-maasuqa lagu soo oogayo qeybaha dowladda.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Xubnaha guddiga oo lagu soo xulay aqoon, waayo-aragnimo, karti, hufnaan iyo amaano ayaa kala ah: Mudane Maxamed Cabdikariim Ibraahim, Avv. Cabdiweli Axmed Cumar, Dr. Xasan Khaliif Xasan, Avv. Maxamed Xuseen Xaamud, Avv. Saciido Maxamed Xaashi, Mudane Amiin Axmed Sheekh Cabdiraxmaan, Mudane Cabdullaahi Sheekh Abuukar, Mudane Khadar Axmed Diiriye iyo Saamiya Siciid Xuseen.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 21/09/2019 waxuu saxiixay sharicga dhisidda Guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka musuq-maasuqa ee heer Federaal iyo heer dowlad gobaleed, kabib markii Baarlmanaanka Federaalku meel mariyay, waxaana xubnaha Guddiga madaxa bannaan ee maanta Goluhu meel mariyay loo gudbinayaa Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo ku laabtay caasimadda Galmudug, kadib safarkii Jabuuti

Next Post

Federal Government of Somalia, U.S. stymied an Al-Shabaab suicide attack in the vicinity of Jannay Abdalle

Next Post
Kumaandooska DANAB oo Jubbada dhexe ku dilay Horjooge u dhashay Dalka Nepal

Federal Government of Somalia, U.S. stymied an Al-Shabaab suicide attack in the vicinity of Jannay Abdalle

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In