Wednesday, April 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan amniga Dalka  

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
1 year ago
in Wararka
0
Golaha Wasiirrada oo soo saaray go’aanno adag oo ku wajahan amniga Dalka  
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kulankooda maanta ka soo saaray go’aanno dhowr ah oo adkeynaya amniga dalka, gaar ahaan dagaalka Khawaarijta.

Go’aannadaas oo culus ayaa ku wajahan dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxaana lagu dardargeliyey dagaalka Khawaarijta, iyadoo la bogaadiyay guulaha ciidanka, waxaana lagu soo rogay tallaabooyin sharci iyo ciqaabo adag oo la xiriira amniga. Go’aannada Golaha Wasiirradu soo saareen waxaa ka mid ah:

Related posts

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026

1. Bogaadin iyo taageero: Golaha Wasiirradu waxa ay bogaadiyeen geesinimada ciidamada qalabka sida iyo geesiyaasha ciidamada madaniga ee si halganka ah uga qayb qaadanaya dagaalka Khawaarijta.

2. Tallaabooyin sharciga waafaqsan: Waxaa mar kale muwaadiniinta lagu xusuusinayaa in si khaldan loo isticmaalo warbaahinta, gaar ahaan baraha bulshada, ay mamnuuc tahay. Qof kasta oo lagu helo falalkaas waxaa lala tiigsan doonaa tallaabooyin sharciga waafaqsan, oo ay ka mid tahay in maxkamad la soo taago iyo ciqaabo adag.

Ciqaabta qofka gacan ka geysta falalka argagixisanimo: Muwaadinka oggolaada in gurigiisa, rugtiisa ganacsi, ama gaadiidkiisa loo isticmaalo fal dembiyeed amni wax u dhimaya, waxaa loo arki doonaa inuu si buuxda uga qeyb qaadanayo falalka argagixisada, waxaana loo qaadi doonaa ciqaab adag oo sharciga waafaqsan, sida lagu xusay xeerka ka hortagga iyo la dagaallanka argagixisada.

4. Digniin u diran shacabka: DFS waxay mar kale uga digeysaa shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan degaannada iyo tuulooyinka ay ka socdaan hawlgalada lagu sifeynayo argagixisada in ay ka fogaadaan goobaha ay Khawaarijta ku sugan yihiin. Hawlgallada cirka iyo dhulka ayaa la sheegay in si xooggan loo qaadi doono si looga hortago kooxaha argagixisada ee dhiigga shacabka ku daadiya.

5. Xakamaynta amniga Garoonka Diyaaradaha: Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in aan wax hub iyo gaadiid dagaal lala geli karin xeyndaabka Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan sidii qodobkan loo fulinayo waxaa dhowaan soo saari doona laamaha amniga.

Go’aamadan ayaa muujinaya sida dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay u go’an tahay sidii ay uga hortagi lahayd Khawaarijta iyo kooxaha amni-darrida abuuraya, iyadoo la xoojinayo isku-dhafka ciidamada iyo laamaha amniga ee dalka.

Previous Post

R/W ku-xigeenka Labaad oo dhagax-dhigay Suuq Xoolaha lagu iibin doono ee Baydhabo

Next Post

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shir muhiim ah uga qeybgalay Jarmalka

Next Post
Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shir  muhiim ah uga qeybgalay Jarmalka

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo shir muhiim ah uga qeybgalay Jarmalka

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

Madaxweynaha JFS oo guddoomiyay shir ay yeesheen Golaha Wasiirrada KGS iyo Taliyeyaasha ciidaada qalabka sida

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay  kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

Wasiir Jaamac oo ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204

April 7, 2026
0

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, ayaa ku guuleystay kursiga Golaha Shacabka ee HOP#204,...

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

Soomaaliya oo la wareegtay kursiga Golaha Nabadda ee Midowga Afrika

April 7, 2026
0

Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii...

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

MADAXWEYNAHA XASAN SHEEKH OO QAABILAY GUDDOOMIYAHA MAAMULKA DEGMADA BAYDHABO

April 7, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaabilay Guddoomiyaha Maamulka Degmada, ahna Duqa magaalada Baydhabo ee Xarunta Ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In