Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay Muqdisho ku yeesheen Kulan aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda amniga dalka.
Shirka oo uu guddoominayay Raโiisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa warbixin looga dhagaystay guddiga amniga ee dhawaan uu Raโiisul Wasaare Xasan Cali Khayre u magacaabay in ay kasoo talo bixiyaan qorshaha sugidda amniga Caasimadda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu ansixiyay heshiiska Caymiska ee ay wada galeen dawladda Soomaaliya iyo Hayโadda Damaanadda Darafyada Badan (MIGA)