Friday, February 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Golis & Radio Gaalkacyo oo soo gabagabeeyay tartan aqooneedkii Bisha Barakeysan ee Ramadaan (SAWIRRO)

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Golis & Radio Gaalkacyo oo soo gabagabeeyay tartan aqooneedkii Bisha Barakeysan ee Ramadaan (SAWIRRO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xaflad si heer sare loo soo agaasimay ayaa maanta loo sameeyay gabagabada Aqooneedka Bisha Barakeysan ee Ramadaan ee ay iska kaashadeen Radio Gaalkacyo iyo Shirkadda Golis.

Xafladda loo sameeyay gunaanadka tartanka ayaa ka dhacday hotelka Jaziira ee magaalada Gaalkacyo, waxaana xaflada kasoo qaybgalay Masuuliyiinta kala ah, Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur, Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane cabdicasiis Jaamac Nugaal, Xildhibaanada Golaha Deegaanka Gaalkacyo, Maareeye xigeenka Golis Injineer Maxamed ciise cismaan, Agaasimaha Radio Gaalkacyo cawil Maxamuud cabdi, Xubnaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Mudug oo rag iyo dumar ba lahaa, Waxgarad, Aqoonyahan, xaafadihii tartamayay iyo marti sharaf kaloo farabadan.

Related posts

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026

Aayadaha Quraanka ayaa tartanka lagu furay, kaddib waxaa laguda galay xaflada iyo ajandaheeda, waxaana hadalka lagu soo dhoweeyay Agaasimaha Radio Gaalkacyo cawil Maxamuud cabdi oo isagu si weyn uga faalooday tartan aqooneedka iyo muddadii uu socday iyo xaafadihii ka qeybgalay oo uu ku sheegay in ay tiro ahaan gaarayeen 18 xaafadood, isagoona kasoo qeybgalayaashii tartankani ku ammaanay doorkoodii akhlaaq wanaaga ku dhisnaa ee ay kaga soo qeybgaleen tartanka, wuxuuna mahad celin u diray shirkadda Golis oo barnaamijka taabagelisay.

Maareeye xigeenka shirkadda Golis Eng, Maxamed ciise cismaan ayaa u hambalyeeyay xaafada Garsoor laanta 5aad ee tartan aqooneedka ku guuleysatay, xaafada Israac 3aad oo iyadana kaalinta labaad gashay, Xaafada Garsoor 4aad oo gashay kaalinta saddexaad ee tartanka iyo xaafada Horumar 2aad oo loo aqoonsaday in ay qaadatay kaalintii edaabta tartanka, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Eng, Maxamed sheegay in tartanka sanadkani uu yahay sanadkii 6aad oo ay iska kaashanayaan Golis iyo Radio Gaalkacyo.

Amran Deeq Xasan oo ah Xoghayaha ururka suxufiyiinta gabdhaha Gobolka Mudug ayaa Radio Gaalkacyo iyo Golis ku ammaantay in ay qabteen shaqo muhiim ah dhallinyarada oo ah in tacliinta lagu tartamo.

Gudoomiyaha Guddiga tartanka Maxamed caamir Samatar ayaa amaa iyo boggaadin u jeediyay dhammaan xaafadihii 18ka ahaa ee tartanka ka qaybgalay, wuxuuna sheegay intii ay soo wadeen tartanka in xaafaduhu si asluub leh uga qayb qaateen isla markaana tartankani uu yahay mid dhallinyarada u suurtageliyay in ay ku baratamaan tacliinta kana baaqsadaan tahriibka iyo waxa la midka ah.

Waxaa hadalka lagu soo dhoweeyay wakiilada xaafadaha tartanka kaalinta koowaad iyo labaad galay ee kala ahaa Garsoor laanta 5aad iyo Israac laanta 3aad, waxaana halkaasi suugaan iyo abaalmarino kusoo bandhigay xaafada Israac laanta 3aad oo wax aan horey tartanka looga baran ka dhigtay kadib markii ay abaalmarino iyagu siiyeen Guddigii tartanka waday, shirkaddii tartanka taabagelisay ee Golis, Wariyihii iyo Farsamayaqaankii barnaamijka waday iyo Agaasimaha Radio Gaalkacyo oo ay bilad siiyeen.

Duqa Degmada Gaalkacyo Mudane cabdicasiis Jaamac Guuleed ayaa u mahad naqay Golis iyo Radio Gaalkacyo wuxuuna sheegay in Golis ay qabatay shaqadii degmadu lahayd oo ay buuxisay doorkii Degmada, isagoona ka mahad naqay doorka tartankaasi ay Golis ka qaadatay.

Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudug Mudane Axmed Muuse Nuur ayaa sheegay in uu aad ugu farxay sida wanaagsan ee ay dhallinyarada hal abuurka leh ugu soo tartameen tartan aqooneedkii bisha Barakeysan ee ay iska kaashadeen Radio Gaalkacyo iyo Golis, wuxuuna sheegay in uu ka mid ahaa dadkii ku soo taxanaa ee dhageysan jiray, isagoona Golis ku amaanay in ay horumarka bulshada ka qeyb qaadatay, wuxuna dhallinyarada ku dhiirigeliyay in ay aqoonta iyo hal abuurka ku baratamaan.

Gunaanadkii xaflada ayaa la abaalmariyay xaafadaha galay kaalinta koowaad, kaalinta labaad, kaalinta saddexaad iyo xaafada la siiyay edaabta, waxaa kaloo la abaalmariyay Guddigii soo daadihinayay barnaamijka iyo wariyaashii soo jeedinayay barnaamijka oo dhammaantooda abaalmarino cajiib ah iyo shahaadooyin la guddoonsiiyay.

3 5 9 11 15 16 18 19 22 24

Previous Post

Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamjka Dhacdooyinka caawa ee Radio Muqdisho

Next Post
Muxaadaro ka Hadleysa Islaamka iyo Qabyaalada oo uu Caawa Sh Muxamed Macalin Axmed ku qabtay magaalada gaalkacyo

Dhageyso barnaamjka Dhacdooyinka caawa ee Radio Muqdisho

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

February 20, 2026
0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

February 20, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 20th February, 2026 1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026

February 20, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 20-ka February, 2026 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmarey...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

February 20, 2026
0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran  iyo kuwa barakacayaasha ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In