Thursday, October 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Goobo ganacsi oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo boob loo geystay “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Goobo ganacsi oo ku yaalla dalka Koonfur Afrika oo boob loo geystay “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Rabshado Lagu Boobayo Goobaha Ganacsiga Dadka Ajaanibta ah ku leeyihiin Deegaano hoos yimaada magaalada Johannesburg ayaa maalintii afaraad ka socda halkaasi, ayada oo ilaa 80 Dukaan oo ay leeyihiin Dadka Ajaaibta ah halkaasi Lagu Boobay.

Maalmahii lasoo dhaafay ayaa waxaa deegaanka Soweto ee dhaca duleedka magaalada Johannesburg waxaa ka socday rabshado lagu boobay goobaha ganacsiga dadka ajaainbta ah ku leeyihiin deegaankaasi kadib markii Ganacsade Bakistani ah uu dil u geystay wiil 14 Jir Konfur Africaan ah oo sida la sheegay ka mid ahaa Koox Dhalinyaro ah oo isku abaabulay in ay dhac u geystaan goobta ganacsiga mid kale na uu dhaawac soo gaaray.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026

Dadka deegaanka oo arintaasi aad uga xumaaday ayaa waxaa la sheegay in ay bilaabaan rabshado abaabulan oo lagu boobayo goobaha ganacsiga ee dadka ajaanibta ah ku leeyihiin deegaanka Saweto waxaana muda ay socdeen rabshadahaasi ay dadka deegaanka boobeen ku dhawaad 100 dukaan kuwaa oo qaar kood dab la qabad siiyay.

Saraakiisha Ciidamada amaanka deegaankaasi ayaa sheegay in xaalada ay faraha ka baxday balse ay helaan gurmad ciidamo ah oo uga yimid deegaanada gobolka Gueteng si xaalada loogu soo celiyo balse ay suura gali waysay waxaana ay sheekeen in dadka Ajaanibta ah ay ku caawiyeen in si nabad ah ay halkaasi uga baxaan lana geeyo saldhig yada police-ka.

Inta ay Socdeen Rabshadaha waxaa ku dhintay ilaa saddax ruux oo qar kooda xabad lagu dilay waxaa sido kale ku jiray nin 74 sano jir una Dhashay dalka Malawi in Xilli saq dhaxe loogu galay goobtiisa ganacsiga kadibna nafta looga qaaday budad iyo biro kadibna qaar ka mid ah xubnahiisa dab lagu gubay.

Ilaa 130 ruux oo la xariirinayo in qalaalaasaha u dhaxeeya dadka deegaanka iyo ajaanibta ay ka dambeeyeen ayaa la xer xeray waxaana ku jira 8 ruux oo ajaanib ah afar ka mid ahna ay yihiin soomaali kuwaa oo lagu qabtay hub sharci daro ah oo ay ku difaacayeen naftooda iyo hantidooda.

Taliyaha Police-ka gobolka Gueteng ayaa uga digay ciidamada police-ka in ay qeyb ka noqdaan dadka boobaya hantida dadka ajaanibta ah kadib markii baraha internetka lagu baahiyay muuqaal laga duubay sargaal police ah oo labisnaa dareska ciidamada in uu qeyb ka ahaa dad alaabo ka qaadanayay goob ganacsi oo shacabka ay boobayeen.

Waxaa kale oo warbaahinta qaar ee gudaha south afric ay soo bandhigtay in deegaanada qaar ay rabshadaha ka socdaan booliska ay faraha ka laabteen shaqadii loo igmaday taa badalkeedana ay indhaha ka daawanayeen waxaana ay keentay in madaxda hey’ada iyo ururada kala duwan ee ka jira dalka ay aad uga caroodaan .

Ururada shaqaalaha hey’ada xaquuqda aaadanaha Madaxda Gobolka Gueteng Xisbiyada Siyaasada ururada qaxootiga ee ka jira gudaha dalka South Africa ayaa si isku mid ah u cambaareeyay falalka lagu weerarayo dadka ajaanibta ah waxaana ay xuseen in dadka ajaanibta ah ay qeyb ka qaataan horumarka dhaqaalaha dalka south Africa waxaana ay ugu baaqeen madax dhaqameed yada iyo Madax Diimeed yada in Arintaan gacan ka geystan sidii xaalada loo dajin lahaa ayaga oo ka codsaday dowlada South Africa in ay si rasmi ah wax uga qabato falalka noocaan ah ee kusoo lab laabtay gudaha dalka south Africa tan iyo waxii ka Dambeeyay sanadii 2008-da oo dalka south Africa ay ka dhaceen rabshadahii jinsi Naceybka ahaaa.

Xaalada ayaa hada dagan waxaana jira kulamo gooni gooni ah oo shacabka ay la qaadanayaan madaxda gobolka kuwa diimaha iyo qaar ka mid ah ururda siyaasada sidii loo xakameyn lahaa rabshadahaasi isla markaana xaalada loogu soo celin lahaa sidii hore .
South African Police push back protesters rallying against President Barack Obama's visit to South Africa, in Soweto on June 29, 2013. At least three bangs were heard as police tried to move the demonstrators away from a university campus where Obama is expected to hold a town hall event later in the day.    AFP PHOTO / ALEXANDER JOE

54be90b768480b01995afa2d

54be90b868480b01995afa2f

54be90ba68480b01995afa31

54c21c1faf9bb8433a000000

download

Looting1

Looting2

Looting5

Looting6

Looting8

Looting10

TY2A5135C/laahi Maxamuud Amiin:C/laahi Qorshe:
Cape Town South africa

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Guddiga Farsamada Shirka Midnimo oo maanta u Ambabaxay magaalada Garbahaarey “SAWIRRO”

Next Post
Guddiga Farsamada Shirka Midnimo oo maanta u Ambabaxay magaalada Garbahaarey “SAWIRRO”

Guddiga Farsamada Shirka Midnimo oo maanta u Ambabaxay magaalada Garbahaarey “SAWIRRO”

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalka Canada oo xusay maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee dalkaasi

October 6, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay ayna kasoo qeybgaleen Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Baarlamaanka Canada ku metela Soomaalida, siyaasiyiin hore,...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐦m𝐞𝐲𝐬𝐭𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐨 𝐞𝐞 𝐝𝐞𝐠𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐥𝐚𝐧𝐛𝐚𝐥𝐥𝐞 𝐢𝐲𝐨 𝐆𝐮𝐫𝐢𝐜𝐞𝐞𝐥

October 5, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta safar ku tagay degmadda Balanballe ee dowlad-goboleedka Galmudug,...

Wasiiru-dowlaha  Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Safiirka Qatar oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga labada dal

October 4, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In