Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddi u xilsaaran nabad-galyada iyo ilaalinta xabad joojinta oo looga dhawaaqay Gaalkacyo+Sawirro

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Guddi u xilsaaran nabad-galyada iyo ilaalinta xabad joojinta oo looga dhawaaqay Gaalkacyo+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulankan lagu ansixinayay guddiga oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaaladda Galkacayo, waxaa ka qaybgalay R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Shama’arke, madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas , madaxweynaha Galmudug C/kariim Guuleed, guddoomiyayaasha gobolka Mudug ee labada dhinac, Saraakiisha ciidamadda iyo odoyaasha dhaqanka

Labada madaxweyne waxay magacaabeen guddi isku dhaf ah oo ka kooban 18 xubnood, kaasi oo ka shaqayn doona nabadaynta iyo ilaalinta xabadjoojinta dagaalka Galkacayo.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Madaxweynaha Puntland oo ka hadlay kulanka wuxuu sheegay in bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacayo ay waajib ku tahay inay ilaashadan walaalnimada iyo deris wanaaga ka dhexeeya, isla markaana ay u jihaystaan jidka horumarka iyo xasilinta degaankooda.

Madaxweynaha Galmudug oo isna hadal kooban ka jeediyay kullanka wuxuu tilmaamay sida uu maqsuudka uga yahay qaabka wanaagsan ee uu u socda shirka nabadaynta Galkacayo, waxaa kaloo uu sheegay inay ka soo baxeen ballantii shalay ee ahayd samaynta guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya nabadaynta Galkacayo.

Guddiga la magacaabay waxaa dhinac Galmudug madax u aha Madaxweynaha Galmudug C/kariim, waxaana ka mid ah guddoomiyaha iyo Duqa Degmada Galkacayo dhinac Gal-mudug.  Dhinac Puntland waxaa hoggaminaya 1 Xasan Maxamed Abgaalow oo ah  Gudoomiyaha Gobalka Mudug dhinac Puntland, Maxamed Yaasiin Tumey Duqa magaalada Gaalkacyo iyo Jen. Muxuyadiin Axmed Muuse, taliyaha La dagaalanka Argagixisada.

Guddigan ayaa shaqadiisu noqon doontaa nabadaynta iyo ilaalinta xabad joojintii lagu dhawaaqay,  waxayna qiimayn  ku sameeyaan sida ugu wanaagsan ee looga gudbi karo xasilooni iyo nabad gelyo waarta oo ka dhacda gobolka Mudug.

R/wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo kulanka ka hadlay ayaa ugu baaqay labada hoggaamiye  inay ka shaqeeyaan sidii ay magaalada ugu soo laaban lahaayeen dadkii barakacay, islamarkaana masuuliyad la iska saaro in dhibaatada Galkacayo aysan mar dambe soo noqon.

 

12-111-17-16-25-24-23-2

Previous Post

Dhageyso warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka 14 Nov 2016

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka

Dhageyso barnaamijka faaqidaada wararka 14 Nov 2016

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In