Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa maanta booqday deegaanka Jabad Godane, halkaas oo maalintii shalay cashar loogu dhigay Khawaarijta. Guddiga ayaa dhiirrigelin iyo taageero u muujiyay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyaga oo ku wareejiyay Geel.
Sidoo kale, Guddiga ayaa kala wareegay saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan aagga Jabad Godane ee degmada Warsheekh, warbixin ku saabsan xaaladda amni iyo howlgalada socda.
Dhanka kale, Guddiga Amniga iyo Taakulaynta Baarlamaanka Hirshabeelle ayaa u sii gudbay degmada Raage Celle, halkaas oo ay ku wareejiyeen Ciidamada Deegaanka, Ciidamada Dowladda iyo Daraawiishta Hirshabeelle Geel iyo Mootooyin loogu talagalay in ay Ciidamadu u adeegsadaan howlahooda amni.





















