Kulankaan oo ay wada qaateen Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee Golaha Aqalka Sare iyo golaha Naafada Qaranka Soomaaliyeed ayaa ahaa mid la isaga xog wareysanayay aragtida ay ka qabaan dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo hadda horyaala golaha Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Golaha naafada Qaranka Soomaaliyeed Sayid Cali Cabdullahi Salaad ayaa sheegay in kulankaan uu ahaa mid looga talo galinayey dhismaha guddiga hay’adda naafada Qaranka, kaasi oo ku saleysan baahiyaha Dadka Naafada ah ee Baahiyaha Gaarka ah qaba.
Xoghayaha Guddiga Cadaaladda, arrimaha Diinta iyo Xaquuqul insaanka ee Golaha Aqalka Sare Senator Cismaan Axmed Macoow oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in shircigaan ay fududeyn doonaan ansixintiisa, maadaama Faa’iido badan ay ugu jirto golaha naafada Qaranka.